Garabka Haweenka Ee Xisbiga WADDANI Laantiisa Finland Oo Shir Ku Qabsaday Magaalada Helsinki Ee Waddanka Finland

Finland(SM)- Waxa shalay oo bishu ahayd 10 ka dhacay magaalada helsinki ee cariga finlad Shir si hee sare leh ay u soo Agasintay gudoomiya Garabka haweenka ee laanta finland Marwo Xaliimo Mahamed Xussen taas oo ay ka soo qayb galeen dhamaan gudida garabka haweenka ee Laanta finland iyo xubno Firfircoon oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga siiba Garabka dumarka.

SONY DSC

Shirkaas oo hore u astaysnaa inuu xiligan dhaco oo layskaga waraystay xaalada Xisbigu Halkay marayso Xiligan dhinac kastaba iyo Qorshayaasha  horyaala laanta ee loo baahanyay in laga gudbo si loo higsado hanashada Talada dalka ee loo gaarsiin lahaa umada reer somaliland hamigeeda ay ku naaloonaysay intii ay xoriyadeeda la soo noqotay, halkaas oo uu aayado qur´aan ah iyo wacdi ku furay kana jeediyay sheekh Cabdikariim Dayuur, taas oo hadalkii ay la wareegtay Gudoomiyah Garabka Haweenka Marwo xaliimo Mahmed Xussen oo hogo tusaalayn iyo Hadalo waafiya ka jeedisay kana warantay barnaamijyadii u qabsoomay gaarahaan garabka haweenka ee laanta iyo qorshayaasha u yaala ee loo baahanyay filntooda, wax kale oo shirka ku casuunaa oo ka soo qayb galay gudoomiyaha laanta finland Mudane Cabdirahman Ibrahim Carte, gudoomiyaha oo ka waramay guudahaan xaalada dalku halkay marayso iyo ta xisbiguba iyo barnaamijyada loo baahanyay in ay dhamaan gudiyada kala duwan ee Laanta Finland iyo taageerayashuba ka gudbaan wakhtii loogu talo galay.waxa  kale oo hadalo kobkooban halkaa ka soo jeediyay Xoghaynta wacyi gelinta iyo arimah bulshada  ee garabka haweenka Marwo foosiya xamari  iyo xoghaynta xidhiidhka debeda ee garabka haweenka Marwo:Canab Axmed Goox. Shirkaas oo ku soo gebo geboobay wakhtigii loogu talo galya iyo jawi farxad leh.

 SONY DSC

 SONY DSC

 ari.artan.g2@gmail.com

   ari_artan65@yahoo.co

     Helsinki/  Finland.