G/ku Xigeenka Xisbiga Ucid Cali-Gurey-oo-Laga-Hor-Istaagay-in-uu-Saldhiga-ku-Booqdo-Oday-Xaashi-Muuse.

G/ku Xigeenka Xisbiga Ucid Cali-Gurey-oo-Laga-Hor-Istaagay-in-uu-Saldhiga-ku-Booqdo-Oday-Xaashi-Muuse.

thNov 17,2013 Hargeysa(SM)-Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID Cali Yusuf ( Cali Gurey) ayaa laga Hor Joogsaday in uu Saldhiga Booliska ee Koodbuur in uu ku Booqdo Oday Xaashi Muuse oo ku Xidhan.Gudoomiye Ku Xigeenka UCID Cali Gurey ayaa Sidaa ku Sheegay kuna Faafiyey Barta Arrimaha Bulshada uu Ku leeyahay.
Muj Cali Gurey ayaa ku Bilaabay Qoraalka uu kaga hadlay Ka Horjoogsiga in uu Booqdo Oday Xaashi Muuse Sidtan:-

CAKU HADAAN BIRI MA GEYDO BA JIRIN !!

Maanta duhurkii anigoo hormaraya Saldhigga Bilayska ee Koodbuur ayaa la ii sheegay in odaygii abtiga ii ahaa ee Xaashi Muse ku xidhan yahay. Waxan isku deyay in aan arko oon odayga bal iska warran idhaahdo, bal se waxan la kulmay arin yaab leh. Markii aan baabuurka ka degay ayuu askarigii taagnaa ku idhi waar odaygii Xaashi bal aan iska waran idhaahdo ii bane.

Wuxu farta iigu fiqay nin aan taraafig moodayay oo ku lebisan derays cad oo aan ahayn kii aan ku iqiinay bilayka oo aanan hubin in uu derajo sitay iyo in kale waayo wuxu ku jiray baabuur shidkii. Kolkaan daaqada baabuurka isa soo daagay ayuu si qalafsan oo cadho ku jirto iigu yidhi” waa maxay?” waanu maqlayay wixii aanu is nidhi askarga kadinka taagnaa. Markaas ayaan hadana ugu celiyay waxa doonayaa in aan odayga iska waran idhaa ee ma u gala?. Intu giir iska kiciyay uu iga sii jeedsaday ayuu si huruuf ah iigu yidhi “ maya u geli maysid cid kelaysaa na ma jirto”, dabeed waan iska dhaqaaqay.
Askariga ama sarkaalka ciilani hadii aanu garanayn in uu Xaashi oday ii abti ah yahay waxan shaki ku jirin inu garanayay in aan Caligurey ahay oo madaxda Xisbiga UCID ka mid ahay.

Kolkaan ka tegay een sawirkii dib u milicsaday waxan garan waayay in war iga maqnaa jiray iyo in xaalku baroortu orgiga ka wayn ahaa. Xaashi waa oday sida la ii sheegay 85 jir ah, kolay Intii aan iqiin na wuxu ka mid ahaan jiray dadka darafa dawlaha ah ee mar walba ku xidhan Dawladaha een ka hor iman.

Sida la ii sheegay waxa loo xidhay qorigii lagu weeraray Maxamed Kaahin oo markii laga qaaday ininkii sitay isaga oday ahaan loogu dhiibay, isna uu qorigii u dhiibay nin ay walaalo yihiin inankii wax ku weeraray, wuu ka faro maroojiyay na waan maqlay.

Siduu doono xaalku ha ahaado eh Xaashi waa ninkaa 85 jirka ah een looga baqayn hadii baadhisti gashay inuu baxsado. Dembi baadhista ayaa isaga oo gurigiisa jooga waraysan karaysay ama xafiiskooda ba ugu yeedhan karay say, ilaa ay cadayn ku filan oo lagu eedayn karo oo maxkamad lagu hor geyn karo ay helaana may ahayn ayaa leeyahay in saldhig bilays oo yar inta lagu xidho weliba la yidhaa cid u geli kartaa ma jirto waayo waa waayeel xishmad iyo ixtiraam mudnaa hadii biri ma geydo jirto hadaan se biri ma geydo ba jirin waa wax dhici kara waxan maanta la kulmay.

Salaanmedia/Hargeysa Office