Golaha Wasiirrada Somaliya Oo Maanta Kulan Deg Deg Ah Ku Yeeshay Magaalada Muqdisho….(Warbixin)

Golaha Wasiirrada Somaliya Oo Maanta Kulan Deg Deg Ah Ku Yeeshay Magaalada Muqdisho(Warbixin)

nNov 20,2013 Muqdisho(SM)-Golaha wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan deg deg ah ku yeeshay maagalada Muqdisho ayaa ka hadlay  xaaladda guud ee dalka  iyo arrimo badan oo ay ugu horeyo falkii Baladweyne ka dhacay ayagoo guddi wasiirro ah u saaray sidii loo caawin lahaa dadkii dhaawacyadu ka soo gaareen qarixii shalay ka dhacay magaaladaasi.

Kulanka deg-degga ahaa oo ay xalay isugu yimaadeen xubnaha golaha wasiirrada, ayaa waxaa shir guddoominayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr.  Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyadoo shirka inta uu socday diiradda lagu saaray arrimaha amniga sida dhacdadii arxan la’aanta aheyd ee ay argagixisadu ka geysteen magaalada Baladweyne iyo dagaallada ka jira deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Kulanka deg degga ah ee Golaha Wasiirrada ee xalay markii uu soo dhammaaday ayaa Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdi weli, faah faahin ka siiyay Warfidiyeennada, isagoo sheegay in Golaha ay Tacsi wadajir ah u direen shacabka gobolka Hiiraan, dhanka kale guddi wasiirro ah loo magcaabay soo qiimeynta xaaladda Baladweyne.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in la isku soo qaaday dagaalladii ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose deegaanno ka tirsan, isla markaana guddi saddex wasiir ah loo saaray arrintaasi si ay baaritaanno ugu soo sameeyaan kadibna xal waara looga gaaro.

Sidoo kale Shirkii Golaha Wasiirrada ayaa mar kale Tacsi looga diray dadkii Soomaaliyeed oo ay dhibaatada ba’an u geysteen duufaannadii ku dhuftay meelo ka mid ah gobollada dalkeenna, iyagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonaan garab taakuleynta dadkaasi, iyadoo uu socdo hadda dadaal dhinacyo badan ah oo gurmad lagu gaarsiinayo dadka dhibaateysan.

Salaanmedia/Muqdisho Office