Guddomiyaha Golaha Wakiilada oo sheegay inaan waxba ka jirin dhawaaqii ku xigeenadiisa, sheegayna in aan Waxba laga badaleynin Isku shandheyntii uu ku sameyey Guddi hoosadyada Golahaasi.

waddani

Hargeysa, Guddomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ganafka ku dhuftay hadal ka soo yeedhay ladabiisa ku xigeen ee Golaha Wakiilada oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta baaralaamka iyaga oo hadalo isku burinaya halkaas kaga hadalay.

Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in aan waxba laga badaleynin  isku shandhanta Guddi  hoosadyada Golaha Wakiilada ee dhawaan uu isku badeley, waxaanu xusay in Shirguddonku u dhammaaa  isku bedelka  Guddi  hoosadyada lagu sameeyay.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi isaga oo ku sugan wadanka Filand ayaa Tv-ga HCTV oo khadka telefoonka kula xidhiidhay, wxaanu yidhi “Xeer hoosadka Golaha wakiiladu waxa uu tilmaamaya in laysku shandhayn karo guddi hoosadyada,kaasi oo uu  isku shandhan karaan  guddomiyaha iyo shirguddoonkuba, go’aankasi hore ee laysku shandhaynayey shirgudoonka oo dhan ayaa wada qaatay in golaha laysku shandheyo waa arrin banaan oo uu xeer hoosadku ogol yahay, haddii wax la ilduufay waa la sixi karaa oo wax dhibaato ahi ma jirto, dee wixii la ilduufayna waa la saxayaa, isku shandhantuna way jiraysaa insha Allaha.” Sidaas waxa yidhihi Guddomiyaha Golaha Wakiilada.

Guddoomiye Cirro ayaa la filayaa inuu malmaha soo socdo ku soo noqdo wadanka Somaliland oo uu safar kaga maqanaa malmihii ugu dambeeyay.

Salaanmedia/Hargaysa