Guddoomiye Ku Xigeenkii Komishanka Doorashooyinka Ee Ceerigaabo Oo Isaga Oo Mayd Ah Hotel Hargeysa Ku Yaala Laga Helay Hargeysa, November 19, 2013

Komishanka Doorashooyinka Ee Ceerigaabo Oo Isaga Oo Mayd Ah Hotel Hargeysa Ku Yaala Laga Helay

image

Hargeysa, November 19, 2013 (Salaanmedia.com) – Alle haw naxariistee Guddoomiyihii Koomishanka Doorashooyinka Degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag marxuum Maxamuud Cali Madoobe (Shafay) ayaa shalay Meydkiisa laga helay Huteelka Capital ee bariga magaalada Hargaysa.

Ilaa imika ma jiraan xogo sugan oo la xidhiidha sababta dhabta ah ee uu marxuumkaasi u geeriyooday balse sida ay dad ku dhawdhaw Huteelkaasi ay Haatuf u sheegeen ayaa tibaaxay in Marxuum Maxamuud Cali in maydkiisa laga helay shalay duhurnimadii qolkii uu ka deganaa Hutelka Capital oo lagu jabiyey markii uu ilaa doraad ku jiray halkaas oo uu mudooyinkii u danbeeyey deganaa, kaas oo aan la garanaynin sababta uu u geeriyooday.

Sidoo kale tan iyo markii shalay marxuumka maydkiisa laga helay qolkii uu ka deganaa hutelkaasi waxa halkaasi qabsaday oo baadhitaano badan ka sameynayey Ciidanka Amniga, kuwaas oo maamulka iyo shaqaalaha huteelkaas su’aalo badan waydiinayey isla markaana ciidanka danbi-baadhista CID-da ayaa iyagu la wareegay hawshaasi kuwaas oo sida la sheegay qaar ka mid ah shaqaalaha huteelkaasi u qabtay arintaasi.

Dhinaca kale xukuumadda ayaan iyadu wali ka hadlin geerida guddoomiye ku xigeenkii Komishanka ee degmadda Ceerigaabo Marxuum Maxamuud Cali Madoobe (Shafay), kaas oo ay arrintiisa baadhis ku hayaan hay’addaha ku shaqada leh.

Salaanmedia/Hargaysa