GUDOOMIYAH​A QAARADA YURUB EE XISBIGA WADDANI AYAA XUKUUMADA KULMIYE UGA DIGAY INAY MAR LABAAD KU KACDO KHALADAADK​II QODISTA SHIDAALKA EE AY HORE UGA DHACDAY MID LA MID AH

GUDOOMIYAHA QAARADA YURUB EE XISBIGA WADDANI AYAA XUKUUMADA KULMIYE UGA DIGAY INAY MAR LABAAD KU KACDO KHALADAADKII QODISTA SHIDAALKA EE AY HORE UGA DHACDAY MID LA MID AH.

Waddani logo

Waxaa muhiim ah oo loo baahan yahay in marka khalad dhaco loo baahan yahay in laga feejignaado si uusan dib ugu soo laaban, lana saxaa, noqdaana mid cashar laga barto oo laga hortago, taas ayaana guul iyo horumar lagu gaadhaa. Sidaas awgeed waxaan xukuumada talada haysa ee Kulmiye uga digaynaa inay ku degdegto si aan ka fiirsasho lahayna ugu dhacdo heshiisyada ku saabsan qoditaanka shidaalka iyo qaababka loo marayo qoditaanka shidaalka wadankaba taasoon ka warhayno in xukuumada Kulmiye weli ku socoto, dabadana hayso wadiiqadii khaldamayd ee ay hore u martay.

Muhiim iima aha hadeer inaan idhaahdo cidasaa khaladka lahayd ama cidaasaa lahayd, maadaama siyaasiyiin iyo aqoonyahano badani hore uga hadleen oo dhamaantood carabaabeen meesha wax ka khaldameen. Balse waxaa loo baahan yahay in la ogaado in xukuumada Kulmiye intay talada wadanka hayso wixii wanaagsan ee ay qabtaana lagu amaani doono, waxii khaldamana ay iyagu dusha ku qaadayaan lagulana xisaabtami doono. Waxaan soo dhoweynayaa inay xukuumadu shirkadii qodista shidaalka dib u soo celiyeen, balse waxaan leeyahay shidaalka qoditaankiisa waxaa ka horeeya waxyaalo badan oo u baahan in talo qaran laga yeesho maadaama uu yahay hanti qaran.

Waxaanu hadaanu nahay xisbiga Waddani talo ugu soo jeedinaynaa inay xukuumadu gudi aqoon yahano ah u saarto arintan oo ka baaraan dega arimaha qoditaanka shidaalka, nooca heshiis ee shirkadaha lala gelayo, sidii Sharci loogu samayn lahaa Arimaha la xidhiidha Khayraadka wadanka ee shidaalku ka midka yahay iyo u kuurgelida dhibaatada ay arimahani ku yeelanayaan Dadka, Deegaanka iyo Duurjoogtaba. Gudigaasina waa inay noqdaan gudiyo isku dhaf ah oo ka kooban Goloyaasha Qaranka, Axsaabta Qaranka, Xukuumada iyo Aqoonyahanada lagu tebayo inay aqoon u leeyihiin arimahan.

Xisbiga Waddani waxuu ka digayaa in waxii aasaaska ka khaldamaa ay aad u adkaan doonto inuu madaxa ka saxmaa, hadaan arimaha Khayraadka wadanka ku saabsan sharci loo samayna way adkaanaysaa in hadhow la saxaa, ama xal loogu helaa, marka si waxii soo baxaba xal loogu helo waa lagama maarmaan in sharci qeexaya oo kala jidaynaya qaybahoo dhan loo sameeyaa ka hor intaan heshiis la gelin ama laba bilaabin wax qodis ah. Hadii xukuumadu arimahan iska dhego marto sidii habdhaqanka u ahaydba waxaan qabaa in khaladkii shirkadahani shalayba ku baxeen inuu weli halkiisii taagan yahay, foolxumada ka timaadana xukuumada Kulmiye qaadi doonto masuuliyadeeda.

Allaa mahadle

Eng. Osman aw Aadam Jama
Gud. Yurub ee Xisbiga WADDANI