GUDOOMIYAHA GOLAHA BAARLAMAANKA S/LAND AHNA GUDOOMIYAHA XISBIGA WADDANI AYAA KU HAKADAY AIRPORT-KA HEATHROW EE CARIGA INGRIISKA.

IMG_1783 (800x533)

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka S/land ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane A/rahman Mohamed A/llahi ” Ciro ” ayaa ku hakaday Airport -ka Heathrow isagoo ku sii jeeda Waddanka Finland.  Gudoomiyaha oo uu safarkiisa ku weheliyey Xildhibaan A/rahman Mohamed Xoog oo ka mid ahaa Xildhibaanadii dhowaantan ku soo biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa wakhtigii koobnaa ee uu kusgnaa Airport-ka Heathrow kulan la qaatay qaybo ka mid ah shacabka reer S/land ee waddankan Ingriiska iyo qaybo taageerayaasha Xisbiga Waddani ka mida ah.

IMG_1803 (800x533)

Gudoomiye Ciro oo waraysi kooban siiyey Tv-ga Caalamiga ah ee SomSat Tv, ee Fadhigiisu yahay magaalada Birmingham ee Waddankan Ingriiska oo goobta soo dhoweynta ku sugnaa ayaa Xaalada Amniga waddanka iyo xaaladaha Deegaankaba ka sheegay war lagu farxo.  Gudoomiyuhu waxuu sheegay in Sanadkan roobab lagu diirsadaa wadanka ka da’een ayna tahay wax Illahay loogu mahadnaqo.

IMG_1805 (800x533)

Gudoomiye Ciro oo ka jawaabayey su’aal laga wayediyey DOODA QARAN  ee axsaabtu ku baaqday ayaa cadeeyey in DOODA QARAN ee dhowaan waddanka ka dhici doontaa tahay mid wax wanaagsan waddanka u horseedi doonta loona baahan yahay in si mug leh looga qaybqaato ayna DOODANI noqon doonta mid wax dhista balse aan wax dumin, Isagoo cadeeyey in Axsaabta xil ka saaran yahay Ilaalinta iyo horumarka Wadanka iyo Shacabkaba. Gudoomiye Ciro ayaa cadeeyey inuu Waddanka Ingriiska ugu soo noqon doono hawlo shaqo asbuucyada soo socda.

IMG_1779 (800x533)

Afhayeenka Xisbiga Waddani UK
Mudane Qasim A Saleebaan
kasslmn@aol.com
07572609561
London

IMG_1726 (800x533) IMG_1729 (800x533) IMG_1731 (800x533) IMG_1732 (800x533) IMG_1746 (800x533) IMG_1749 (800x533) IMG_1760 (800x533) IMG_1761 (800x533) IMG_1773 (800x533) IMG_1774 (800x533) IMG_1775 (800x533) IMG_1776 (800x533) IMG_1779 (800x533) IMG_1781 (800x533) IMG_1783 (800x533) IMG_1797 (800x533) IMG_1799 (800x533) IMG_1800 (800x533) IMG_1802 (800x533) IMG_1803 (800x533) IMG_1805 (800x533) IMG_1807 (800x533) IMG_1807 IMG_1808 (800x533) IMG_1812 (800x533) IMG_1813 (800x533) IMG_1814 (800x533) IMG_1819 (800x533) IMG_1826 (800x533)