GUDOOMIYAHA XISBIGA UCID OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY,KANA HADLAY DOODA QARAN IYO HADDALO KA SOO YEEDHAY MUSHARAXIINTA PUNTLAND‏

Hargeysa (SM):-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay ka dib Safar uu ugu maqnaa Dalka Turkiga oo uu kaga qayb galay Shir Xisbiyo Dunida ka kala yimid ku kulmeen.ucid_11_01

Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Ucid Jaamal Cali Xuseen, Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Ucid iyo Gudoomiyaha Xigeenka Waddani iyo Xubno sarsare oo Waddani ah ayaa Gudoomiye Faysal Cali Waraabe kus oo dhaweeyay Madaarka Hargeysa.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ooSaxaafadda kula hadlayay Dibada Madaarka ka dib Gudaha Madaarka oo loo diiday Masuuliyiinta soo dhaweynayay Gudoomiyaha iyo Saxaafadda inay galaan ayaa ka hadlay Dooda Qaran ee Xisbiyada mucaaradku wadaan iyo hadlo ka soo yeedhay Musharaxiinta u tartamayaDoorashada Puntland.ucid_11_02

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ugu horayn ka hadlay Muranka ka tagaan Dooda Qaran ee Xisbiyada mucaaradka ah iyo Xukumaddu isku mari la’yihiin, ayaa sheegay in Doodaasi qabsoomayso islamarkaana aan cidna lagu xumaynayn. Waxa uu sheegay in Arimo dalka dan u ah lagaga hadlayo, Ajandaha dooduna diyaarsan yahay islamarkaana ay u furan tahay in wax lagaga badalo dooda Ajandaha wixii la isla garan waayo.

“ 22 Sano ayaynu Xor ahayn, Mar kaliya inta la isku yimid lama Odhan maxaa inaga khaldan. Imika doorashooyin ayaa la galayaa, wax badan ayaana doorashooyinka hor yaala waana inaynu hadda ka sii tashaanaa oo aynaan goordhaw ku hambabarin. Waxaa lagaga tashanayaa Guurtideena iyo wakiilada sidii laga yeeli lahaa. Dastuurkeena qabyada ah ee mar walba la isku qabsado, Siyaasaddeena dibadda iyo Saami qaybsigii Dumarka iyo dadka laga tirade badan yahay la siin lahaa. Waxyaabahaas sidii laysula meel dhigi lahaa ayaa ah muhiimada laga leeyahay Dooda Qaran. Markaa ma garanayo waxa xukumaddu u diidayso, horena waanu u qabanay Annaga iyo Kulmiye oo Fadalka Guddida qaban qaabada ayaa markaasna qaybinayay Dooda” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay Faysal Cali Waraabe Doorashada Maamulka Puntland oo uu sheegay in Musharaxiinta u tartamayaa ku Ololaynayaan inay Xoraynayaan Sool, Sanaa iyo Cayn. Waxa uu sheegay inaanay kuwaasi Xorayn u baahnayn islamarkaana ay dadkii lahaa haystaan. Waxa uu xukumadda u soo jeediyay inay ka hadasho Arimahaasi.ucid_11_03

“Waxaan Maqlayay imika Qofkii hadlaba waa laga daba hadlayaa, Dumarkii baa la kiciyay oo Iyana imika xadhkaha soo goostay, waanu Ogayn baryihii hore Raggii qayral masuulka ahaa. Waxa kale oo maalmahan aan maqlayay Musharaxiinta Puntland oo lehSoo iyo Sanaag Ayaan Xoraynaynaa. Waxaan leeyahay Sool iyo Sanaag maaha Jubooyinkii Khariidada loo samaysanayay kolba ee waa dhul dadkii lahaa iyo dawladdii lahayd hasato, waxaan leeyahay Dadkaas garoowe Dagaaladii Somaliland iyo Somalia ka dhacay Dadkaa may gaadhin, waanu idin hambalyaynaa sida fiican ee aad u dhisateen oo Garoowe way waynaatay, Boosaasaa waynaatay, waar Caanihiina ha iska daadinina.” Ayaa ka mid ahaa hadalka Faysal Cali waraabe.

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay soo dhaweeyaan Gudoomiyaha Xisbiga Ucid. Waxa uu tilmaamay inay fiicnaan lahayd inay si ka balaadhan sida ay u soo dhaweeyeen balse nasiib darro aan Garoonka Xor loo wada ahayn. Waxa uu Xukumadda ku Eedeeyay in Meel Shacabka loo Ogol yahay loo diiday Masuuliyiinta Xisbiga Ucid.ucid_11_04