Guusha Dahabshiil Iyo Dhabarjabka Xaasidiinta

dahabshiil1

Waxaa in dhaweydba xadhkaha loo maleegayey shirkada DAHAB SHIIL,si ay sumcada iyo milgaha ay shicibweynaha aduunka ku leeyihiin,gaar ahaan JSL iyo hano qaadka uu ka hano qaaday meel kasto Caalamka ka mida. Iyagoo adeegsanaya xeelado kala duwan ayey geed sare iyo mid hooseba u fooleen,siday Sumcadda uga xumeyn lahaayeen ama albaabada loogu xifhi laha xafiisyada ay shirkaddu ku leedahay qaaradda yurub,gaar ahaan Dalka Ingiriiska.

Haddaba,caalamkan aynu ku noolnahay xaasidku wsuu noocya badan yahay oo kuwo aan waba haysan iyo kuwo wax hayst oo xaasidiin ah ayaa jira, waxaana ugu xun oo aanu shaadhkoodu cadaan,kuwo loo arko inay maal qabeen yihiin,balse hoosta dab kaga baxayo. Waayo tiisa ayaanu ku qanacsanayn kuna iimaan qabin oo mar walba waxaa u muuqata,tan shakhsiga kale ee maalinba maalinta ka dambeysa kor u sii kacaysa…….iwm.

Waxaa jirta maahmaah carabiya oo odhanaysa, Xaasidku ma guulaysto,hadduu guulaystona kama macaasho.taa waxaa barbar taala qofka ama shakhsiga uu xaasidkiisu badan yahay,waxaa calaamad u ah shakhsigaas IImaankiisa ayaa kur u kaca,maalkiisa ayaa six ad dhaafa u kordha, dadkuna wey jeclaadaan una duceeyaan, Ilaahayna[swt] wuu u gargaara oo waxba kama xumaadaan.

Haddaba,waxaa ayaan daro ah kuwa been abuurka ka dhigtay shaqada ee waxaan jirin hantidooda ku bixinaya,si ay u shirqoolaan shakhsi ka nadiifa Xaasidnimada iyo wixii la hal maala oo dhanba. Waana shakhsi ku caano maalay naxariis,degenaan oo aan lahayn isla weyni, isla markaana si hufan oo xushmo iyo asluub wanaagsa,ula dhaqma u qadariya una adeega dadweynaha yar iy weynba leh,gaar ahaan macaamiishiisa muslka iyo gaalkaba ee Caalamkan qaaradihiisa ku kala nool,oo aanad mar qudha ka maqlayn cid ka cabanaysa ama dhibaato uu u gaystay….

Waana shakhsi u go’ay inuu si gaara u taakuleeyo,u gargaaro dadka tabaalaysan ama aadka u jilicsan,kuna dhaqma fariimaha iyo wacdiga ay Diinteenu ugu baaqdo dadka uu Ilaahay[swt] maalka siiyey.

Waana shakhsi kalsooni buuxda ku qaba,wax qabadkiisa iyo la macaamilka macaaniishiisa oo aan marna looga shaki qabin hantida uu dadweynaha u hayo intay doonto ha gaadhee,waana shakhsi amaanada ku adag oo uga war-war badan dadku maal iyo aduunyaba u hayo. Waxana guul lama ilaawaan ah,cadawgi been abuurka iyo xadhkaha maleegayey,oo maanta dhabar jab iyo waji gabax aysan dib agtiisa uga soo wareegeyn,ceebta iyo fadeexada ka raacday goobtaas.

Allaa Mahad Leh.

Moxammad Jaamac Liibaan. ( Liibaan