Haddii Siilaanyo Isa Soo Sharaxo Waa Maxay Faaiidada Ugu Jirta Inuu Muuse Gudoomiye Noqdo.By Abdalla Farah

SIILAANYO

Qofkasta oo somaliland ah wuu ogyahay inaanu qof kursigii madaxweynaha ku fadhiya oo dadkii codeynayayWaxaynu la wada soconay khilaafkii kulmiye oo cirka isku shareeray ka dibb markii ay golihiisii fulinta, golihii dhexe iyo golihii wasiirada ee xukuumada la kala safteen labada dhinac ee Samaale iyo muuse biixi.

Hadaba sidaynu la wada
socono waxa hore u cadeeyay fikirkiisa siyaasiga ah Wasiirka Maaliya C/casiis Maxamed Samaale oo yidhi haddii madaxweyne Siilaanyo isa soo sharaxo u tartami maayo musharax madaxweyne, laakiin haddii uu ka ka hadho madaxweynuhu ma ogi qof iiga xaq leh isaga oo u jeeda inuu tacab iyo juhdi badan geliyay xisbiga. Muuse isaga waxa ka go´an inuu isu sharaxo labada xilba oo uu isu taago gudoomiyaha xisbiga iyo musharaxa madaxweynaha ee xisbiga, haddiise uu madaxweyne Siilaanyo la soo taagan yahay waxaan ahay musharaxa madaxweynaha ee shanta sano ee soo socda waa maxay faaiidada ugu jirta muuse biixi inuu noqday gudoomiyaha xisbiga kulmiye? Mise waxuu ka rajo qabaa inuu intuu kula tartamo madaxweyne siilaanyo oo madaxweyne wadanka ka ah inuu ka helo miyaanuse ogeyn in sharcigii dambe ee soo baxay si loo yareeyo khilaafka xisbiyada awgii inuu jiro sharci qeexaya qofka madaxweyne ah inaann doorkiisa labaad lagula tartami karin xisbiga gudihiisa iyada oo la yareynayo khilaafka xisbiga.

 

 

Qofkasta oo somaliland ah wuu ogyahay inaanu qof kursigii madaxweynaha ku fadhiya oo dadkii codeynayay wata inaan lagaga adkaan karin xisbiga dhexdiisa. markaa miyaanay u ekayn dedaalka muuse maxaa daal la korodhsaday!

 

Abdalla Farah

The Netherlands