‘Intaadan falin ka fiirso’: Baanka Barclays & Xanibaada Shirkadaha Adeega Ganacsiga Lacagaha (SAGL), By Farhan Hassan

 

Go’aanka irid-ka-xirashada SAGL ee Barclays may samayn xisaabtan adag iyo qiimayn sax ah.

UK - Oxfam Campaign - Somali Barclays

Barclays wuxuu ku dooday inuu ka cabsanayo sharci dejiyayaasha, waayo? Sawir qaade: Andrew Aitchison/Oxfam 15 October 2013

Waxaa la yidhi; ‘ama afeef hore lahaw, ama adkaysi danbe’.  Afeef: anigoo intii karaankay ah isku dayaya inaan ka dheeraado laablakac iyo qoraal qaldan ama xajiimaysan waxaan intii karaankay ah isku dayi doonaa inaan si toos ah oo hufan diiradda u saaro arinta baanka Barclays iyo xanibaadaha lasoo gudboonaaday Shirkadaha Adeega Ganacsiga Lacagaha ( HYPERLINK “http://www.somsa.co.uk/” SAGL) ee ka howl gala dalka Ingiriiska.

Sida la wada ogsoon yahay, laga soo bilaabo bishii 5aad /6aad ee sanadkan waxaa bangiga Barclays ee laga leeyahay wadanka Ingriiska ku wargeliyey SAGL ee isticmaali jirey adeegyadiisa , kuwaas oo ay ka mid yihiin SAGL badan oo Somali ah inuu ka xidhaayo adeegii uu u fidin jiray. Hadaba su’aalaha muhiimka ah ee aan jecelahay inaan ku qaadaa dhigo maqaalkan  oo dhowr qaybood ah waxaa ka mid ah: (i) waa maxay sababaha ugu weyn ee keenay inuu Bangiga Barclays qaato go’aankan , (ii) maxay noqon kartaa saamaynta arintaani ay ku yeelan karto SAGL iyo bulshadeena? (iii) halkee xaal marayaa iyo (vi)  maxaa xal ah? Su’aalahan iyo kuwo kaleba waxaan jecelahay inaan si kooban isugu dayo inaan uga jawaabo.

Hadaba inta aynaan u guda gelin iskuna dayin ka jawaabista su’aalahan iyo qaar kaloo badanba, waxaa mudan inaynu si dul ka xaadis ah u guud maro mawduuca lagac dirista ay diraan dadyawga qurbajoogta aduunka oo ay ka mid yihiin qoomiyada aynu ka soo jeedno oo hada ku kala baahsan dunida dacaladeedka.

Lacag isu diristu ma’aha wax dunida ku cusub, ee waxaynu ognahay illaa xaawo iyo Adam in Aadanuhu habab kala gedisan wax isugu diri jiray/diro/diridoono  (mood, maal, dhaqan, xirfad iyo cilmi). Inkasta oo aan marnaba si rasmi ah loo ogaan Karin haddana hadaynu eegno xaga lacag isu dirka qurbajoogta aduunka sanadkan waxaa guud ahaan  HYPERLINK “http://www.worldbank.org/en/news/press-release/2013/10/02/developing-countries-remittances-2013-world-bank” \t “_blank” Baanka Aduunku ku qiyaasay in gaadhayso lacag dhan $550 bilyan.

Marka laga reebo lacagaha loo diro wadamada dhaqaalaha sare leh lana eego ta wadamada soo koraaya loo diro oo wadankeenu kujiro lagu qiyaasan $410 bilyan. Caalam ahaan wadamada lacagaha ugu badan loo diro waxa ka mid ah: Hindiya (oo lagu qiyaasay  $71 bilyan ), Shiinaha ($60 billion), Filibiin ($26 bilyan), Meksiko ($22 bilyan), Nayjeeriya  ($21 bilyan), iyo Masar (oo lagu qiyaasay $20 bilyan).Wadamada kalee iyana lacagaha ugu badan dibada dadkoodu uga diraan waxaa ka mid ah: Bakistaan, Bangaladheesh, Fiyatnaam  iyo wadanka Yukrayn ee ku yaala bariga Yurub.

Warbixin ay soo saartay  HYPERLINK “http://hdr.undp.org/en/reports/national/africa/somalia/name,25684,en.html” \t “_blank” Hay’adda Qaramada Midoobay ee Barnaamijyada Houmarinta (The United Nation Development Programme ee loo soo gaabiyo UNDP) 2012 waxay ku qiyaastay in $1.6 bilyan ay qurbajoogta degan Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ay sanadkiiba udiraan wadanka aynu ka soo jeedno.  Sida warbixino kala duwani cadaynayaan amaba aynu qiri karo waxaa lagu  qiyaasaa in illaa 40 boqolkiiba  in ka badan oo dadkeena jooga wadankii kunool yihiin lacagaha dibada laga diro.

HYPERLINK “http://www.fsnau.org/downloads/Remittances-and-Livelihoods-Support-in-Puntland-and-Somaliland.pdf” \t “_blank” Daraasad ay samaysan Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay (United Nation Food and Agriculture Organization ee loo soo gaabiyo UNFAO) oo soo baxday 5tii bishii lixaad ee sanadkan oo ku koobnayd  Somaliland iyo Puntland  waxay sheegtay in qiyaas ahaan 51 boqolkiiba dadka degan magaalooyinka (urban households)  Somaliland iyo Puntland ku nool yihiin lacagta dibada looga soo diro, halka ay dadka degan miyagana (rural households) ay ku qiyaastay in 28 boqolkiiba  ku tiirsan yihiin taageerada dhaqaale ee ay ka helaan ehelkooda qurba joogta ah. Saadaal ahaana waxaynu odhan karaa in intaa in ka badan oo ah dadka ku nool badhtamaha iyo koonfurta Somaliya ay sidoo kale ugu tiirsan yihiin lacagaha ay ka helaan dadkooda qurbajoogta ah.

Hadaba hadii aynu garanay cadadka lacagaha guud ahaan qurbajoogta aduunku u dirto mandaqadaha ay ka soo kala jeedaan, su’aashu waxay tahay: waa maxay nuxurka ugu weyn ee aynu ka turjuman karaa ama aynu kala soo dhexbixi karnaa dirista lacagta cadadkan le’eg? Dabcan marka laga reebo inay tahay lacag cadadkeedu badan yahay, nuxurka ugu weyn ee ay xambaarsan tahay waxa uu yahay waa lagac ay ku nool yihiin waxa afka qalaad loo yaqaan  ‘cash poor people in developing world’ ama dad iyo dalal lacag ka sabool ah  dad kunool kuwaas kulligood ama badiba ah waddamada Afrika, Aasiya iyo Laatin Amerika. Sidaa awgeed, waxaa marag ma doonta ah in go’aanka Barclays bank gaadhay saamayn xun ku yeelanayo wadamada saboolka ah ee qurbajoogtooda reer UK lacagaha u diraan oo aynu ka midka nahay.

Tallaabadani waxay lid ku tahay kobcinta kartida dhaqaale ee dawladaha dalalka saddexaad oo dowladaha Galbeedku siyaasiyan ku beer laxawsadaan shacabkooda canshuurta bixiya oo dad badan oo qurbajoog ahi ka mid yihiin  iyo deeq-bixiyayaasha kaleba in ay dan ka leeyihiin daminta iyo ka hortaga sida colaadaha ka aloosan wadamada soo koraya, ladagaalanka fakhriga, argagaxisada, budhcad badeedka iyo xasilooni darida ay dhaqaalo la’aantu inta badan abuurto.

Inaga oon meel fogba ka eegin waxaynu daliil usoo qaadan karnaa wadanka Ingriiska oo laga soo bilaabo 2012 u qabtay  wadankeena shirar heer caalami ah kuwaas ay u muujinayeen adduunka iyo Soomaalidaba inay danka leeyihiin wax ka qabashada siyaasada dalkeenna hase yeeshee ahmiyadoodu ahayd  qaadhaan ururin iyo arimaha la xidhiidha ladagaalanka budhcad badeeda, argagaxisada iyo kala xayndaabista dadka mandaqadeena uga soo hayaama  wadamada reer Yurub ee Ingriisku ka midka yahay.

Waxaa marag ma doonta ah in go’aanka bangiga Barclays dhib u keenayo-maslaxadda guud ee caalamka gaar ahaan mandaqadeena oo habkale oo lacag loogu diraa hada jirin.  Mujtamaca dira iyo kan loo diraba waxay u arkayaan ciqaab aan loo aaba deyin. Taasina waxay sababaysaa inay horseedo colaad  iyo nacayb  hor leh qurbajoogta iyo mandaqadaha ay ka soo jeedaan looga qaado bahweynta wadamada reer Galbeedka maadaama ay xayiraad saareen shirkadahii  u adeegi jiray inay u howl yareeyaan lacag isu dirista casriyeysan.

Si kastaba ha ahaatee, inagoon faahfaahin kale u gelin waxaynu qoraalkaan qaybtiisa ugu horreysa ku gunaanadaynaa in  Barclays iyo bangiyada kale ee falkiisa oo kale ku kacay aysan samayn qiimayn sax ah oo ku aadan saamaynta gurracan ee arintani ku yeelanayso milyan dad ah oo ku noolaa lacagha ay qaraabadoodu uga soo diraan dibadaha.

Go’aanka irid xirashada ee ay qaateena maaha mid ay si fiiro dheer uga fiirsadeen.Ganacsi ahaan waxay  kaloo xannibaadani kasoo hor jeedaa siyaasadda dhaqan-dhaqaale ee reer Galbeedka oo dhaqaalo ahaan aaminsan suq idiriduhu u furan yihiin (free market economy).Sababaha bangiga Barclays ku dooday iyo dhibaatooyinka ka dhalankara xanibaada la soo gudboonaatay SAGL iyo bulshadaba kala soco qaybaha danbe…

YASIIN

Farhan Hassan is a freelance researcher and Executive Director of the  HYPERLINK “http://www.shaneducation.org/” Somali Heritage Academic Network

PAGE   \* MERGEFORMAT 3