Khilaafaadkii Madaxweynaha iyo Raa’isal Wasaaraha Somaliya oo soo cusboonaaday (Warbixin)

Daawo Muqaal..Waraysi Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh.

Waxaa markale soo cusboonaaday khilaafaadkii u dhaxeeyay Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka 1-aad ee Xukuumada Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).Y

Khilaafaadkoodaan, ayaa ka dambeeyay markii Masuuliyiintaan ay habeenkii Sabtida kulan ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, kaasoo ay labaduba ku kala irdhoobeen.

Raa’isal Wasaaraha, ayaa Madaxweynaha u gudbiyay liis ay ku qoran yihiin magacyada, xubnaha uu qorsheynaayo in ay kamid noqdaan Golihiisa Wasiirada cusub.

Madaxweynaha, ayaa Raa’isal Wasaaraha u sheegay inaanu ka sugeyn in uu u soo gudbiyo liis, ay ku qoran yihiin xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada. Laakiin uu ka sugaayay in uu u soo gudbiyo warqadiisa istiqaalada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale Raa’isal Wasaare Shirdoon ku eedeeyay, in uu waqti badan ka luminaayo Dowladda. Sidaasi daraadeedna uu soo dedejiyo is casilaadiisa.

Madaxdu, waxay isku qabteen arrinta ku aadan in uu Raa’isal Wasaaruhu soo dedejiyo is casilaadiisa. Taasoo sababtay baala yiri in ay fadhiga ku kala kacaan.

Warar madax banaan, ayaa sheegaaya in Madaxweynuhu uu ku hawlan yahay, sidii uu meesha uga saari lahaa Raa’isal Wasaare Saacid. Inkastoo hadana shaki laga muujinaayo suurta galnimada, sidii uu meesha uga saari lahaa Saacid.

Guriga Xildhibaanad Ubax Tahliil Warsame, waxaa Axadii ka bilowday olole lagu doonaayo, in meesha looga saaro Raa’isal Wasaare Saacid. Isla-markaana Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood, ayaa halkaasi isula jeex jeexaaya, sidii ay mooshin uga keeni lahaayeen Raa’isal Wasaaraha.

Ololaha ka soconaaya hoyga Marwo Ubax Tahliil, ayaa ahaa mid horeyba u soo jiitamaayay, inkastoo uu xoogeystay wixii ka dambeeyay habeenkii Sabtida, oo uu soo ifbaxay khilaafaadka hogaanka dalka.

Madaxweynaha, oo aanu horey u taageersaneyn olalaha ay wadaan garabka Xildhibaanad Ubax Tahliil, ayaa la carabaabay in uu iminka u muuqdo in uu taageersan yahay. Sababo la xiriira Raa’isal Wasaaraha oo ka biyo diidan, in uu shaqada isaga taggo.

Arrinta shakiga gelineysa in meesha laga saaro Raa’isal Wasaaraha, ayaa waxay tahay, in iyadoo in ka badan 100 Xildhibaano, ay dalka dibadiisa ku maqan yihiin.

Ilo muhiim ah, ayaa Shabakada Warbaahintu ay sheegay, in ilaa 161 Xildhibaano oo qura, ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho, halka inta kalana ay dalka dibadiisa ku maqan yihiin. Xilli tirada guud ee Xildhibaanada Baarlamaanka ay tahay 275 Xildhibaano.

Sida uu Sharcigu qabo waxaa Raa’isal Wasaaraha mooshinka ka keeni kara 139 Xildhibaano. Haddii wadarta Xildhibaanada ee dalka ku sugan ay tahay 161 Xildhibaano. Laakiin Raa’isal Wasaaraha ayaa u baahan, in uu helo kalsoonida 22 Xildhibaano oo kaliya.

Si kastaba ha-ahaatee dadka rog-rogga Siyaasada dalka, ayaa waxay qabaan in ay adag tahay, in xilligaan la jooggo mooshin lagu rido Xukuumada Saacid. Waxayna taasi ku saleeyeen Xildhibaano fara badan, oo aanu ku qanacsaneyn Siyaasada Madaxweynaha.

Salaanmedia/Mogdisho