Kulankii Xalay ee jaaliyadda reer Somaliland ee Bariga London iyo wasiir Xirsi Cali Xaji..Dhagayso

IMG_1840

Kulan aad u balaadhan oo Xalay oo tariikhdu ahayd 8.11.13 ka qabsoomay bariga magaaladda London ,Kulanka oo lagu soo dhaweynaayey wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Cali Xirsi Xaji Cali.Madasha kulanku ka dhacay waxa kasoo qaybgalay madaxsare oo ka tisan Somaliland,Safiirka Somaliland ee UK Cali Aaadan Cawaale,Odayaal,Haween iyo dhalinyaro .Kulanka oo ay soo qaban-qaabiyeen  ururka Haweenka ee Bariga London ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo tageeri lahaa dedaalka ay xukumada Somaliland ugu jirto dedaalka dib u dhis ka dalka iyo mashruuca hirgalinta wadada Ceerigaabo.Kulanka oo dadka ka hadlay ay aad u koobnaayeen waxa laga dhawaajiyey sidii loo der-der gelin lahaa hawlaha socda ee wadada dheer ee Ceerigabo iyo sidii loo war galin lahaa in laga soo wada qayb galo shirka dhawaan la qaban doono London ee dhamaan jaaliyada Somaliland la filaayo inay soo buuxdhaafiyaan.

Fadlan la soco warar dheeraada iyo sawiro

Halkan ka dhagayso Wasiir Xirsi Hadalkiisii oo kooban.