Maamulka Madaarka Hargaysa Oo Sharaxaad Ka bixiyay Afar Duulimaad Oo Sababo Cimilo U Fadhiisan Waayay Madaarka Hargeysa

Cigaal

 

Nov 14,2013 Hargaysa(SM)- Maamulaha madaarka caalamiga ah ee Cigaal Intertional Airport ee magaaladda Hargeysa ayaa tafaasiil iyo sharaxaad ka bixiyay afar duulimaad oo Salaasadii todobaadkan jawigii cimilada dartii u baajiyay duulimaadyadoodii kuwaasi oo ka degay madaarro kale.

Maamulaha Madaarka Hargeysa waxa uu sheegay in duulimaadyadaasi aanay u baaqan dhabada diyaaraduhu ka haadaan oo tayadoodu liidato, sidaasna waxa uu ku sheegay war-saxaafadeed dheer oo uu maanta soo saaray oo u dhignaa sidan:-

“Sidaad la wada socotaan waxa dalkeena saamaysay dabaysha ( Cyclone), taasi oo keentay in roobab aan kala joogsi lahayni ka da’aan gobolada Somaliland badankooda oo ay caasimada Hargeysana ka mid tahay.

Taasi waxay sababtay in Salaasadii oo ku beegnayd 12/11/13 in daruuro waa weyn oo aragtida xadidayaa (over cast) isku gadaamaan hawada caasimada isla markaana aragtida (Visibilty) ay ka hoos marto 1000 M.

Taasi oo keentay in afar duulimaad ay hakad galaan kuwaas oo kala ah sidan:-
.
1: African express oo ka dagtay Berbera airport
2: Jubba Airways oo ka dagtay Djbouti
3: Ethiopian Airlines oo ka dagtay Diridhaba
4: UNHAS oo ku noqotay Nairobi

Kadib markii ay ku dagi kari waayeen madaarka Caasimada, sababo la xidhiidha aragtida oo aan fiicnayn ( low vision), madaarka oo ku yaala joog sare (4462 Feet above sea level ) iyo ceeryaamo saa’id ah oo dhulka ku jiiftay.

Duulimaadyadaasi waxay u kala wareegeen madarrada aanu kor ku xusnay oo iyaga roobabkani aanay saamayn ku yeelan, Iyo Madaarka caalamiga ah ee Berbera oo ku yaala joog hoose (Sea level) isla markaana aan Ceeryaamo lahayn oo xaga aragtida fog( visibility) ka fiican yahay madaarka Caasimada ( Egal international Airport).

Arrintaasina waa mid dabiici ah oo dunida oo dhan ka jirta in duulimaadyada hakad ku yimaado sababo la xidhiidha cimilada oo xumaata awgeed taas oo ay ka dhacaan sida wadamada reer galbeedka ee dhaqaalaha horu maray sida Egland, France, USA.

Sideedaba, waa xaladaasi waa xaalad iska dabiiciya oo iska awood ilaahay ah, waana arrin ay ku tallo galaan diyaaraduhu sitaana shidaalkooda Mana aha arrin ku saabsan dhabada diyaaraduhu ka haadaan tayadadeeda, sida warbaahinta qaar aan beenta ka xishoon ay baahiyeen.

Dhabada diyaaraduhu ka haaadaan ee madaarka caasimadu waa mid loo dhisay qaabkii ugu casrisanaa, mana aha mid looga baqayo roob kasta oo yimaada.

Maanta cimilada madaarka caasimadu way fiican tahay, iyada oo nooca daruuraha dul hoganayaa ay yihiin qaar furfuran afka qalaadna loogu yaqaano ( Broken clouds) aragtiduna ama (Visibility) waxa ay ka badan tahay 10 km ( More than 10,000 M).
Sidaas darteed, saakaba si caadi ah ayay u yimaadeen dhammaan duulimaadyadii madaarka caasimada iman jiray, iyo kuwii Salaasadii baaqdayba.

Iyada oo shirkad walba ay maanta samaysay laba duulimaad oo kala ah kii maanta (shalay) jadwalka ugu jiray, iyo kii Salaasaddii baaqday.

Tusaale ahaan diyaarada Ethopian Airline oo ka soo kicintintay saaka (shalay) diridhaba faleytkeedii Salaasadii, kii maantuna toos (direct Addis to Hargeisa) ayuu ahaa.

Gabagabadii anagoo ka duuleyna jawiga saadaasha hawada waxaanu dadweynaha ku wargelineynaa in ay dhici karto arrintan oo kale illaa iyo Sabtida illaahay naguma keene. Allaa Mahad Leh.”

Salaanmedia/Hargaysa