Maanso laba Cali iyo Ceeri…By Moholin

MOHOLIN

Waxa  aan  salaamayaa  bulshada  S/laan

waxa  aan  salaamayaa  warbaahinta

daacadda  ah

waa  maanso  la  yidhaa

Laba  Cali  dhexdood

—    ———     —–

Caddad  badani  Warar  kay  curshaan

Yaan  cabudhi  hayne

Ceerigaabo  badan  bay  jirtoo

Cidina  xaalayne

Caddaan  iyo  madawguba  in  badan

Way  dul  carareene

.

Kuman  yaal  cishay  dhawra  yeen

Caadil nimo  weyne

Canaad  baa  in  badan  saaranaa

Caaq  lagara nayne

Cawil  naqa  maruun  baydin  heli

Yaa  calool  jiraye

.

CASIIS ) kooda  kama  quusanine

Ceeshe  samir  weyne

Caddaan  wee  ye  ay  meela  badan

Dhagaxa  cuureene

Caaqil  iyo  wasiir  iyo  nin  sare

Loo  cumaamada  ye

.

Bal  car  yaanu  beenteenna noqon

Camal  kan  loo  faytay

Carrab  kooda  qaar  bay  wax  kale

Caday  ku  fiiqeene

Caana  shubad  ku  waa  meel  kalay

Dar u codeeyeene

.

Bal  car  yaanay  tay  sheega  yaan

Aakhir  kii  cuganin

Cirku  manta  baribuu  u da,ay

Caynka  loo  qaba,e

Ilaa  ceelka  maydh  iyo  halkaa

SHEEKH  calan  kiisa

.

Cabdalle  dhagaxiisa  iyo

Cidhifka  laalaada

Laamibaa  intaa  cararaysaan

Lagu  carrawsiiye

Caamadu  run  bay  mooda  yaan

Yay  dar  curiyeene

Bal  car  yaanay  marag  caana  hoo

Ceeba  idin  saarin

.

Laba  Cali  dhexdood  yaanay  noqon

Talo  ku  ciir  ciirta

Col  kalaa  leh  cayn  leexsanoo

Aan  caqliba  hayne

Ciddi  jiid  ilaa  food  ka  weyn

Waa  carada  tuule

.

Caam  ahaanna  shilin  yuu  ku  hadhin

Caadif  kaga  qaata

Bal  car  yay  sidaa  loo  metalay

Khalad  ku  ceer  yoomin

.

Canaan  male  haddeer  taa  waddaan

Caafimaad  qabide

Badan  caashaq  kugu  meersanoo

Caga  bidhyoo naaya

Bal  caleema  saar  kaa  ayay

Dibu  canbaa  raynin

 

MOHOLIN