Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Maanta Soo Xidhay Shirka Dib U Heshiisiinta Jubbooyinka(War-saxaafadeed)

 

2

Nov 6,2013 Muqdisho(SM)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh Maxamud ayaa goobta shirka ka jeediyay Qudbad dhinacyo badan taabaneysay“Sharaf weyn bey ii tahay inaan maanta idinkala soo qeybgalo Xiritaanka shirkan muhiimka ah.waa shir taariikhi ah oo nooga wada baahan inaan ka wada shaqeyno sidii uu u noqon lahaa mid dhaliya dib u heshiisiin waarta oo gobollada horseeda nabad iyo horumar.

“Waxaan jeclahay inaan maamulka Jubba iyo xubnihii Dowladda Federaalka uga mahadceliyey heshiiskii tariikhiga ahaa ee Addis Ababa, iyo sida labada dhinacba ay u muujiyeen tanaasul, dulqaad iyo danta guud ee Somalia.

“Ujeedooyinka shirkan ayaa ah in dadka deegaanka ay ka wada hadlaan arrimo dhowr ah si xal waara loogu helo arrimaha deegaanka.Waxaa muhiim ah in maamulka KMG ah ee Jubba uu noqdo mid ay u dhan yihiin dhammaan dadka deegaanka, oo laga wada qeybgaliyo talada deegaanka.

“Sidaas daraadeed, waxaa nalaga rabaa inaan la nimaad biseyl, dulqaad, samir, is tixgelin iyo inaan danta guud ka horumarino danaha gaarka ah

“Maamulka Jubba waxaa laga rabaa inuu tusaale u noqdo maamulada cusub ee soo socda, waxaana laga rabaa inuu shacabka deegaanka ka kasbado kalsooni, taasoo keeni karta in Dowladnimadeena, sharafkeena, wadajirkeena iyo karaamadeena uu hormuud ka noqdo.

“Aragtideena fog ayaa ah in dalka la gaadhsiiyo marxalad uu kula tartarmo waddamada caalamka ah. Waxaan rabnaa Soomaaliya oo mid ah oo caalamka mug ku leh. Taasna waxey ku imaan kartaa wadajirkeenna iyo xal u helidda dib u heshiisiin waarta.

“Waxaa na sugaya qorsheyaal badan oo ay ka mid yihiin dib u eegista dastuurka, dhaqangelinta federaalka, sameynta asxaabta siyaasadeed iyo dhammaan howlaha uu na farayo dastuurka KMG ah si aan 2016 u hirgelinno doorashooyin ka dhaca dalka.

“Haddaba caqabado fara badan baa na wada heysta, waxaana uga wada bixi karnaa isku duubni, wadajir, iyo inaan danta guud ka horumarino danaha gaarka ah.

“Waxaan idiin rajeynayaa in shirkan uu noqdo mid isku soo dhaweeya aragtiyada, mid keena in la isku dulqaato, mid noo sahla in maamulka Jubba uu si dhaqso leh uga howlgallo howlaha muhiimka ah oo ay ka mid yihiin in Al-Shabaab laga xorreeyo deegaanada, in maamul wanaag la gaarsiiyo degmo walba oo ka tirsan deegaanka iyo in dadka deegaanka loo diyaariyo sidii ay aayahooda uga tashan lahaaeyeen.” Sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Salaanmedia/ Muqdisho Office