Madaxwaynihii Hore Ee Falastiin Yaasir Carafat Oo La Sheegay In La Sumeeyay(Warbixin)

15Nov 7,2013 London(SM)-Warbixin ay soo saareen baadhayaal u dhashay Switzerland, ayaa sheegay in laga yaabo in hoggaamiyihii hore ee Falastiiniyiinta la sumeeyay.

Waxaa ay sheegeen in baaritaan ay ku sameeyeen lafaha Yasir Carafat, ay ku arkeen heer sare oo ah maaddada sunta ah ee Bolooniyam-ka loo yeqaano.

16

Suha Arafat
Xaaskii Carafaat, Suha, ayaa sheegtay in natiijada baaritaanka ay muujinayso in ninkeedii la khaarijiyay.

Isra’iil oo beenisay
Afhayeen u hadlay dowladda Isra’iil ayaa beeniyay edeyntaasi.

Falastiiniyiinta ayaa dhowr jeer oo hore ka hadlay suuragalnimada ah in Carafat la dilay.
Yasir Carafaat ayaa geeriyooday sanadkii 2004-ta, iyadoo xilligaas la sheegay in uu u dhintay dhibaato ka dhalatay dhiigga oo fariistay.

Laakin sanad ka hor ayaa la soo faagay maydkiisa, iyadoo xilligaas ay soo baxeen eedeymo muujinayay in laga yaabo in la sumeeyay.

Maaddada Bolooniyam-ka ayaa laga helaa jirka aadanaha, laakin waa dilaa halis ah haddii ay qofku ku badato.

Salaanmedia London

Xigasho BBC