Madaxweynaha Somaliland Oo Guddi Heer Qaran Ah U Magacaabay Aaska Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe)

(SM-Hargaysa) Madaxweyaha  Somaliland Mud: Axmed Maxamed Maxmauud (Silaanyo) ayaa u magacaabay guddi heer qaran ah Aaska Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo ku geeriyooday Magaaladda Hargaysa, Guddidan heerka qaran oo goor dhawayd uu Madaxweynuhu u xilsaaray qaban qaabada aaska ayaa lagu sheegay War- Saxaafadeed ka soo baxay aqalka Madaxtooyadda oo u dhignaa sidan.

Daawo Madaxweyne Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminaayey oo saraf ugu kicitimay Turkiga. 1.10.13 uu

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud: Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)

 

 

“Tacsi ka dib waxa uu Madaxweynuhu gudi heer qaran ah u saaray aaska marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) guddidan oo agaasimi doonta aaska qaran,

WAXAANAY KALA YIHIIN:-

 

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda (Guddoomiye)                     Hargeysa     

 

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka                                                            Hargeysa 

 

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta                                                Hargeysa

 

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha                                            Hargeysa

 

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Beeraha                                                                    Hargeysa

 

Ku:      Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex                                                                  Hargeysa

 

Ku:      La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dawladaha Hoose                           Hargeysa                              

 

 

Ujeedo:          Magacaabid Guddida Aaska Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe)

 

 

Mudanayaal.

 

Sida aad ka war-haysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe).  

 

Sidaas darteed Mudanayaal, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabaddaaaska Marxuumka.

 

Waxaan idinka rajaynayaa in aad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuumka.

 

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)  Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.