Madaxweynaha Somaliya oo ku baaqay in wax laga qabto fatahaadaha Webiga Shabelle “Daawo Sawirada”

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa maanta safar ku tegay magaalada Jowhar si uu u qiimeeyo Khasaaraha uu geystay fatahaada Webiga Shabeele, iyo inuu u muujiyo shacabka taageridda Dowladda.

“Waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan dal ama dibad in ay si deg deg ah uga soo gaaran wallaalahooda dhibaateysan.” Saa waxaa yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Sidoo kale waxaa ka codsanayaa in kaalmo deg deg ah ay la soo gaaraan degaanadda ay mucjisadan qabsatay. Xiliyadda adag oo ay jiraan dhibaatooyinka waa in aan is garab istaagnaa oo aan hal meel uga soo wada jeesano anaga oo hal umad ah.” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyay Xildhibaano, Wasiiro, Gudomiyaha Gobolka Shabeeladda Dhexe, Heyada Bisha Cas ee Turkiga, Heyadda Gargaarka ee Qatar, Masuuliyiin ka socday Isu taga Imaraadka Carabta, iyo Somali Chamber of Commerce.