Madaxweynaha Somaliya Oo Kulamo Xasaasi Ah La Yeeshay Wufuud Ka Socotay Bankiga Adduunka, Bankiga Hormarinta Afrika, Dowlahada Deeqaha Bixiya,UNSOM…

Al Shabaab is not only Somalia problem, Its a Global problem

Nov 8,2013 Muqdisho(SM)-Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan SHeekh Maxamuud iyo wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xasan Suleymaan ayaa kulamo xasaasi ah la yeehashay wufuud ka socotay Bankiga Adduunka, Bankiga hormarinta Afrika, dowlahada deeqaha bixiya,UNSOM,

iyo safiirada Soomaaliya u fadhiya dowladaha caalamka.
Kulanka uu madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud la yeeshay wufuudan caalamiga ah ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha deeqaha siiya Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Xasan Suleymaan ayaa markuu soo dhamaaday kulanku warbaahinta la hadlay wuxuuna ka warbixiyay wixii ay ka wada hadleen wuxuuna tilmaamay in la isku soo qaaday is casilaadii gudoomiyihii Bankiga dhexe ee Soomaaliya Marwo Yusur Abraar iyo arimaha Hay’adaha dhaqaalaha Dowladda Soomaamliya.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya mudane Maxamed Xasan Suleymaan ayaa sheegay in madaxweynaha iyo wufuudii caalamiga ahayd ay ka wada hadleen sababihii ay shaqada u tagtay gudoomiyihii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Marwo Yusur Abraar wuxuuna tilmaamay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u sheegay sababihii ay shaqada uga tagtay Marwo Yusur Abraar Islamarkaane uu madaxweynuhu ka qanciyay ujeedkii ay shaqada uga fariisatay gudoomiyihiii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa yiri” Maanta waxa uu madaxweynaha soomaaliya la kulmay safiiradda wadamada aan saaxiibada nahay sida safiiradda wadamada mareykanka,Sweden,Norwey,Turky,Swizerland,madax ka socotay DFID,madax ka socotay bankiga aduunka,madax ka socotay bankiga horumarinta afrika iyo UNSOM,

waxyaabaha ugu muhiimsanaa ee laga wada hadlay waxa ay ahaayeen guud ahaan wada shaqeynta ka dhaxeeysa dowlada soomaaliya iyo wadamadaasi aan saaxiibka nahay oo u badan wadamada deeq bixiyaasha ah iyo hay’adaha ay deeq bixiyaashu lacagaha soo mariyaan”

Salaanmedia/ Muqdisho Office