Madaxweyne Faroole Oo Soo Saaray Wareegto La Xidhiidha Xulida Baarlaamaanka Cusub Ee Maamulkaasi Yeelanaayo

faroole

(SM:Hargaysa)  Madaxweynaha Puntland, C/rixmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa markii ugu horreysay soo saaray wareeegto uu ku qeexayo habka  ay u imaanayaan xubnaha baarlamaanka oo uu sheegay inay gabo-gabo xilligaan ku dhow dahay.

Wareegtada ayaa wuxuu Faroole u cuksaday dastuurka u yaalla maamul-gobolledka Puntland, waxaana xilli laga hadlayay habka xulista baarlamanka cusub ayaa la sheegay in loo raacayo  xeerarkii hore ee ku saabsanaa soo xulista baarlamaanka, sidoo kale waxaa la sheegay inay muhiim tahay in la waafajiyo soo xulista baarlamaanka cusub nidaamka Puntland u yaalla ee lama dhaafaanka ah.

Salaanmedia/Mogdisho

 

image