Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin Oo Ugu Baaqay Madaxda Xisbiga KULMIYE In Ay Khilaafkooda Wada-Hadal Ku Xaliyaan.

Daawo Xilwareejintii labadii madaxweyne Riyaale iyo Siilaanyo

(SM-Hargaysa) Madaxweynihii hore ee Somaliland, Mud: Daahir Rayaale Kaahin oo hadda dalka ku sugan ayaa ugu baaqay madaxda Xisbiga KULMIYE inay khilaafkooda ku xaliyaan wadahadal. 

 

Madaxweynihii Hore Ee Somaliland, Mud: Daahir Rayaale Kaahin.

Mud: Daahir Rayaale Kaahin wuxuu madaxda Xisbiga KULMIYE ku hogatusaaleyay in aanay midi midi ku taagtu waxba u kordhinayn. Sidaana wuxuu ku waaniyay xubno kamid ah madaxda Xisbiga KULMIYE  oo ay salaadii Jimce ee maanta meel ku wada tukadeen.

Mud: Daahir Rayaale Kaahin ayaa ahaa Guddoomiyihii Xisbigii saxadda Siyaasadda ka baxay ee UDUB, sidoo kale wuxuu ahaa Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland, xilkaas oo uu hayay muddo 8 sanadood ah, halka uu 5 sanno ahaa Madaxweyne ku-xigeen, wuxuuna khibar badan u leeyahay muranada sahayda Xisbiyada, iyadoo Xisbigiisi uu hogggaaminjiray ee UDUB saxadda uga baxay muran iyo is qabsi ku yimi dhexdiisa 

Salaanmedia/Hargaysa