Mawaadin 38 sanadood Dhibane u ah Dawladda Ruushka oo u Dacwoonaya Maxkamada Heeg.

newslogo2

Raadadka laga dhaxlay Dawlad la’aanta Somaaliya tan iyo bur-burkii dalwadii dhexe ee Somaliya sanadkii 1991-kii, ayaa sababtay in  mawaadiniin badan oo Somali ah oo la nool dhibaatooyin ka soo gaadhay  gacmo shisheeye aan looga cawil celin dhibta ay tirsanayaan.

 
Taasi waxay daliil cad u tahay marka la waayo dawlad u hadasha shacbigeeda ama u raadisa wixii xuquuq kaga maqan cid shesheeye ah inay  boqolaal kun ilaa xiligaasi la jiiftaamayaan hadimooyin nololeed oo ka soo gaadhay kuwo aanay af iyo adin toona awood ay ku gaadhaan aanay haysan.
 
Cali Abiib Axmed waa Mawaadin u dhashay Somaliland, waana aabo 50 Jir ah oo Curyaan ah.
Waxa sheegay in sanadkii 1977-kii Gaadhi ay lahayd Safaaradii Midowgii Soveit-ka ee Magaalada Muqdisho (Somalia), ku jiidhay isla magaalada Muqdisho,shilkaasoo uu ku waayay mid ka mid ah labadiisa lugood, gaar ahaan Lugta Midig.
 
Tan iyo xiligaasi oo ay da’diisu ahayd 12-jir ku jiray dugsiga Hoose, fasalka 3-aad, muu helin wax magdhow ah, sida uu ku sheegay qoraal uu sheegay inuu ugu dacwoonaya Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee Hague.
 
Teer iyo wakhtigaasi waxa uu sheegay inuu dhibane u shilka kala dhantaalay sida ka muuqata Sawirkiisa, isagoo xusay inuu markii dhaawacuhu gaadhay uu la kulmay takoor nololeed iyo inuu ka dhex baxo Xayndaabkii nololshada caadiga ah.
 
“Waxa i jiidhay Gaadhi  Uu-aas Jeep ah  oo ay Dawladdu Ruusku leedahay, kaasoo lahayd Safaaradii Midowgii Soveit-ka ee Magaalada Muqdisho ee Somaliya”ayuu u sheegay Gobanimonews.
 
‘Cali ayaa ku nool Magaalada Hargeysa, waxaanu la noolyahay Xaas iyo todoba Caruur ah oo uu dhalay.
Isagoo ka hadlaya Taariikhda waxyeelada noloshiisa saamaysay gaadhay waxa uu yidhi “Gaadhigu wuxuu I Jiidhay 7/03/1977-kii, anigoo 12jir ah, dabadeed waxa berigaa Cilaa qaadka kala goostay Dawladihii Somaliya iyo Soveit-ka, waxaan dhiganayay xiligaasi Dugsiga hoose Fasalka 3-aad.
 
“Iminka waxaan lug lahay 38 sanadood oo u dhiganta 13870 Cisho, markii aan curyaamay ilaa iminka waxaan la kulmay Takoor,markaa waxaan doonayaa Magdhowgaygii nololeed ee ilaa xiligaa aan dhaawacmay”ayuu yidhi.
Waxaaanu intaasi ku daray “Waxaan leeyahay Xaas iyo todoba Caruur ah. Waxaan codsanaaya in cabashadayda la dhegeysto”.
 
Cali Abiib ayaa sheegay inuu Dacwadiisa u gudbiyay Hay’adaha Xuquuqal Aadamaha ee Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga, isagoo qoraalka uu u diray Maxkamadda Caalamiga ah ku dalbaday inaan dacwadiisa la dhayalsan ee hoos loo eego.
 
“Dacwadaydu waxaan u gudbiyay dhamaan Xafiisyada Xuquuqda Aadamaha. Waxa kale oo ay taalaa Maxkamadda Gobolka Hargeysa”ayuu yidhi.
 
Abiib ayaa sheegay inaanay wax gargaar sharci oo uu xaqiisa ku soo dhacsado aanu helin, maadaama waddanka somaliland ee uu ku nool yahay aanu heysan aqoonsi caalamiya oo uu dadkiisa dulmaneyaasha ah xaq ugu doono.
 
Dawladda Ruushka iyo Midowgii Soveit-ka ayaan wax door siyaasadeed ah oo muuqda iyo xafiis-dano siyaaasadeedyo shaqeeya ku lahayn Somaliland, sida dawladdaha reer Yurub,Maraykanka iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta.
 
waxaanay taasi sabab u noqon kartaa caqabadaha caysta Abiib ee uu u waayay dariiq uu xaqiisa u maro si uu helo.

Salaanmedia

Hargeysa Office