Maxaad ka taqanaa shakhsi ka tirsan Al-Shabaab oo dhawaana soo shaac baxay oo Caalamka si weyn looga raadinayo (Sawirkiisa)

Talefishinka Qaranka Dalka Kenya ayaa Baahiyay War ku saabsan in Sarkaal sare oo katirsan Xarakada Al-Shabaab dhawaana Magaciisa soo shaac baxay in caalamka si weyn looga baadi goobayo .

Sargaalkan katirsan Al-Shabaab ee iminka sida weyn loo baadi goobayo Caalamka ayaa lagu Magacaabaa Maxamad C/Qaadir Maxmed Cikrama , waxaana la rumeesan yahay in Sargaalkan uu yahay nin saameyn weyn ku dhax leh gudaha Dagaalyahanada Al-Shabaab .

Telefishinka Qaranka Kenya ayaa xusay Maxamad C/Qaadir Maxmed Cikrama uu yahay Maskaxdii ka dambeysay Weerarkii Dadka badan ku dhinteen ee Al-Shabaab ka geesteen Magaalada Nairobi gaar ahaan Suuqa Ganacsiga ee Westgate Mall.

Cikrama ayaa la sheegay in uu yahay taliye sare oo Katirsan Xarakada Al-Shabaab waxa uuna Cabsi iyo khal-khal badan ku abuuray wadamo badan oo Caalamka ku yaala gaar ahaan wadamada kuyaala Bariga Afrika sida uu Baahiyay Tv-ga Qaranka Kenya.

Sarkaalkan sare ee katirsan Al-Shabaab Cikrama ayaa mudo badan kunoolaa Dalka Kenya waxa sidoo kale uu tagay mudana kusugnaa Dalal kuyaala Qaarada Yurub sida Ingiriiska iyo Norwey ,Sargaalkan ayaa la tilmaamay inuu ku hadlo shan luqadood oo kala ah Norwegian, Kiswahili, Arabic, Somali iyo English taas ayaana ka dhigtay hogaamiye qaali ah oo Al-shabaab ay ku dhaarato.

Sirdoonka dalka Kenya oo ka hadlay saameynta Cikrama ayaa waxa ay xaqiijiyeen in ninkan uu yahay nin khatar badan markastana qorsheenaya Weeraro ka halis badan kii ka dhacay Bishii hore Suuqa Ganacsiga Westgate oo wali dad badan waxii ka dhacay xasuustooda aysan ka bixin.

Sarkaalkan katirsan Al-Shabaab ayaa baadi goobkiisa waxaa ku hawlan Wadamo badan ay ugu horeeyaan Dowladah Kenya iyo Mareykanka kuwaa oo aaminsan in Cikrama uu yahay nin Khatar badan ka abuuraya dunida.

Ciidamada sida Gaarka ah u tababaran ee Dowlada Mareykanka ayaa Bishii tagtay Howlgal qarsoodi ah ka fuliyeen Magaalada Baraawe ay ku doonayeen in ay ku dilaan ama kusoo qabtaan Cikrama waxa uu ku dhamaaday fashil.

Sarkaalkan katirsan Al-Shbaaab ayaa magaciisa iyo wararka ku saabsan waxa ay si toos ah usoo shaac baxeen waxii ka dambeeyay weerarkii Westgate Mall lagu qaaday ee lagu dilay ku dhawaad 70-qof ,Weerarkaa ay masuuliyadeeda sheegatay Xarakada Al-Shabaab.

Salaanmedia/Mogdisho