Maxkamad Maraykan ah oo xukun adag ku riday muwaadin Soomaaliyeed

Maxkamad Federaal ah oo ku taala Gobolka Virginia ee Maraykanka ayaa xukun xabsi daa’in ah ku riday wiil Soomaali ah oo lagu eedeyey burcad badeednimo iyo dowr weyn uu ka ciyaaray dilka 4-muwadin oo Maraykan ah.

20090414_nmun3

Garsoorka Maxkamada Rebecca Beach ayaa xukunkasi ku riday Ahmed Muse Salad.

 Ahmed Muse Salad waxa uu kamid yahay 3-Soomaali ah oo iyagu lagu edeyey sanadii 2011-kii dilka muwadinin Maraykanka ah oo dalxiis ahaan ugu sugnaa xeebaha bariga Afrika.

 Maraykanka waxa uu ugu horeeya wadamada lagu maxkamadeeyo dhalinyarada Soomaliyeed ee loo haysto burcad badednimo.

Salaanmedia/London