Midowga Boostada Aduunka Oo Shaaciyay In Dib Loo Howl Galiyay Boostadii Somaliya Muddo 23 Sano Kadib

Midowga Boostada Aduunka Oo Shaaciyay In Dib Loo Howl Galiyay Boostadii Somaliya Muddo 23 Sano Kadib

1,,,,,,,,,,Nov 1,2013 Muqdisho (SM) Gudoomiyaha Guud ee Midowga Boostada Aduunka Mudane: Bishaar Xuseen oo la hadlayay Saxaafada ayaa sheegay in Soomaaliya ay marayso Xili Taariikhi ah oo ah Guulo usoo hooyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala baahsan Aduunka Dacaladiisa ayna u suura galayso waxii Maanta ka dambeeya in Fariimahooda ay si toos ah ugu heli karaan meel walba oo ay joogaan iyagoo soo marsiinaya Boostada Soomaaliya.

Waxa uu intaas ku daray Gudoomiyaha Midowga Boostada Aduunka in Dib u howl galinta Boosatadii Soomaaliya ay cadaynayso Go’aan adag oo ay Shacabka iyo Dowladda ay qaateen oo ah in ay soo afjareen dhibaato Dalka baahsatay muddo 23sano ah, ayna usoo jeesteen Dib u dhiska Dalkooda Soomaaliya.

Mudane Bishaar Xuseen ayaa Xaqiijiyay in Midowga Boostada Aduunka ka ahaan ay Taageerayaan gacana siinayaan Boostada Soomaaliya gaar ahaan dhanka Tiknoolajiyada iyo sidii ay u horumari lahayd Boostada Soomaaliya.

23 sano ayaa Soomaaliya waxa ay soo ahayd Boosto la’aan , dib ayee mar kale u bilaabaysaa in ay helaan Dadka Soomaaliyeed fariimahooda loosoo marinayo boostada Wadankooda laga bilaabo 1-da November ee Sanadka 2013.

Dib u howl galintaas Boostada Soomaaliya ayaa waxa ay ku timid kadib markii hishiis ay Wada galeen Dowlaha Soomaaliya iyo Iskutaga Imaaraadka Carabta Hay’adahooda Qaabilsan Boostada.

Midowga Boostada Aduunka ayaa waxa uu gaarsiiyay dhamaan Wadamada Aduunka ee Midowgaas ku jira in Hada waxii ka dambeeya Soomaaliya Loo diri karo Boosto lagana soo diri karo iyadoo loo soo marsiinayo Dubai.

Hishiiskaas ay wada galeen ee Bilowga ah Soomaaliya iyoWadanka Iskutagga Imaaraadka Carabta kaasoo soo bilowday April ee Bilowgii sanadkan ayaa waxa uu dhigayaa in la aqbalo Boosatada Soomaaliya ka imaanaysa iyo kawa aadayaba.

Imaaraadka ayaa Boostada usii gudbinaya Wadanka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyagoo isticmaalaya Gaadiidka dhanka Cirka ah ee Airport-ka Magaalada Muqdisho.

Boostada Soomaaliya ayaa wali u baahan Adeeg Badan oo aan fari ka qodneen kaasoo lagu qiyaasayo dhirirkiisa 637 kun oo KM oo isku weer ah, si Wadanka dhan Boostada u gaarto.

Sanadkii 1991 Soomaaliya waxa ay lahayd Boosto dhamaystiran oo ay ka shaqayn jireen 2165 (Laba Kun, boqol, shan iyo lixdan ) Shaqaale iyo ku dhawaad Boqol Xafiis oo Boostada ku lahayd Dhamaan Gobolada Dalka.

Hasayeeshee Xiligan ayaa waxa Wadanka dib looga howl galiyay hal Xafiis oo wayn oo Magaalada Muqdisho ku yaala ayna ka shaqeeyaan Howlwadeeno gaaraya 25 qof.

Salaanmedia/ Muqdisho Office