Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid Oo Sharaxay Ujeedada Loo Qabanayo Shirweynaha Qaran Ee Ay Qaban Qaabinayaan Labada Xisbi Mucaarid Iyo Qodobada Diirada Lagu Saari Doono/Akhriso

UCID

Hargeysa(SM):-musharaxa madaxweynaha xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay ujeedada shirweynaha qaran ee ay wada qabanayaan xisbiyada mucaaridka ah ee somaliland. Musharax Jamaal Cali Xuseen oo maanta ka hadlayey shir jaraa,id oo ay si wada jira u qabteen gudoomiyaha xisbiga Ucid ayaa waxa uu sheegay  in xisbiga Ucid soo dhawaynayo qabashada shirkaas, waxaanu tilmaamay inuu shirkaasi faa,iido balaadhan u leeyahay dalka.

Ugu horayn musharax Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya shirka wada tashiga qaran ee ay wada qabanayaan xisbiga kale ee Waddani ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan .Xisbiga Ucid waa uu aqbalay  qabashada shirkan anaga oo la kaashanayna xisbiga kale ee Waddani ee mucaaridka ah labadaaas xisbiga qarana inay guddi u saaraan shirkan oo mid waliba lix qof soo xulay iyada oo guddidaasina si wada jira u hawl gali doona.

 

Musharaxa madaxweynaha xisbiga Ucid oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay ujeedada loo qabanayo shirkan waxaanu yidhi ? shirkan ujeedadiisu waa inay dadku wada hadlaan Somaliland-na shirar badan ayaa ka qabsoomay laakiin meelo gaar ayaa lagaga wada hadlay laakiin shirkani waa mid ka hadlaya qaranimada Somaliland maxaa inoo qabsoomay maxaa inaga qabyo ah side ayeynu u qabsanaa maaha shir mucaarid ah  oo la doonayo in dawlada uun layskaga yooyootamo waa shir aanu doonayo inay wax ka soo baxaan oo waxaas ka soo baxaana ay hir gelaan oo ay socdaan oo ay dadka u noqdaan mustaqbal ay dadku higsadaan, waxaanu doonaynaa inaanu shirkaas ku casuuno xukuumad, xisbiga Kulmiye, golayaasha qaranka,aqoonyahanada, odoyaasha,haweenka, dhalinyarada iyo dadweyne kale oo badan?ayuu yidhi musharax Jamaal Cali Xuseen. Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ucid Jamaal Cali Xuseen Musharaxa madaxweynaha xisbiga Ucid waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay qodobada lagaga wada hadli doono shirkan waxaanu yidhi ?Waxaana muhiim ah in laga wada hadlo  arimo badan oo ay ka mid yihiin wada hadalada somaliya ee aynu wadnay, habka aynu u wadnay iyo waxyaalaha aynu ku darsan karno, iyada oo ay ka soo bixi karaan inaynu wada hadaladaas ku darno dad khubaro ah  oo aynu fahano ujeedadeena aynu ka leenahay wada hadalada iyada oo madaxda Somaliya mar kasta sheega dhinacooda in ujeedada ay ka leeyihiin wada hadaladu ay tahay inay midnimadii soomaliyeed soo celiyaan, inaguna waa inaynu cadaynaa in ujeedada wada hadalka aynu ka leenahay ay tahay inaynu doonayno in  ay Somaliland noqot dal gaar ah, waxa kale oo aynu ku eegi doonaa arimo badan oo ah dhibaatooyinka ina haysta sida tahriibka,shaqo la,aanta, dhinaca dhaqaalaha iyo qodob kale.ayuu yidhi musharax Jamaal Cali Xuseen.

Salaanmedia.com

Hargaysa