Muuse Biixi oo Talo Soo Waydiistay Ina C/qaadir!,

MAQAAL

Muuse biixi;  Waan ku salaamay Ex G/ku xigeen,
 
Ina c/qaadir; Waan kaa qaaday gudoomiye,
 
Muuse biixi;  Mudane C/raxmaan waxaan is idhi marxaladan aad ku jirto isagaa soomaray digana nikii ku gubta ayaa laga waraystaa bal ii waran oo waxaba hayga hagran maanta oo kale wax baa lays taraaye!,
 
Ina c/qaadir;  Horta somalidu waxay tidhaah daa (booraan ha qodin hadaad qodana hadheerayn inaad ku dhici doontana ma ogide!) dabinkii aad xidhay ayuun baad gashay hadaad maalintii iga yar khafiifin lahayd jalaafadii aad soo abaabushay maanta nabsigaasi kuguma soo deg degeen! hadaase talo isoo mooday waxaba kaa hagran maayo ee wixii aan aqoon moodo waan kuu sheegi, ee maxaad ka cabanaysaa ee kuugu daran?
 
Muuse biixi; Waad la socotaa in kii Siilanyo ee aynu ku tacabnay igu soo ciyaar siiyay nin Samaale layidhaah oo aan halgankii SNM tacab kaga bixin kulmiyena hadalkiisa daa waxaanu rabaa balantii aad ogayd ee uu kal hore ila galay inuu igaga baxo! aniga iyo mujaahidkii Ina kaahin daaqad ayaanu ka sii laa laadnaa! shirweynihiina waxba kama hadhin oo bishan ayuun baa ka hadhay marxaladan oo kalena adiga ayaa soo maray bal noo dhaqaaji waxa kuu muuqday markii wax kugu dhaceen ee aad markii danbe is tidhi waar hadaad sidaas yeeli lahayd malaa lagaama reeyeen!,
 
Ina c/qaadir;  Horta waad ku mahad santahay taladaas aad igala maarmi wayday, waanan ka war hayaa inaanad cago badan ku tag nayan oo ay xaaladu kugu soo ururtay! waxaad yeesha nin kan Siilanyo marba mashqac ayuu ku gelinayaa waxaanu eegayaa bal halka arini kaa taagan yahay oo siyaasadaada wuu kar karinayaa waxaanu og yahay in hadii uu si fudud markaba kaaga takhaluso uu wax badan seegayo markaas waa lagu kar karinayaa inta aad ka bislaanaysid ee adigu ha sugin bisaylkaaga iyo inta lagaa cunayo ee aad macaanaanayso sii bilow dagaalka inta aan shirweynaha xisbiga lagaadhin bisha December waayo waa kan kaaqaaday hogaamintii gudiga qab qabaadada shiweynaha oo awoodii aad ku maamuli lahay shirka waa kaas cid kale u dhiibtay ragan uu soo xushayna ergo u daacada Siilanyo iyo Samaale ayay keensanayaan ee adigu ma waxaad su gaysaa inta ergada shirweynaha siilanyo iyo samaale u daacada ahi ay sidaydii shirka kaa dhex saarayaan? oo ku odhanayaan waar waxaba ku hadlimayside naga fadhiiso! 
 
Halkaas markay kula gaadho siyaasadu waa rajo beel umadana waxaa loo tusayaa in cod lagaaga adkaaday oo ergedii shirweynaha xisbigu ciday doonayeen doorteen oo aad adigu khaldantahay waana arintii aniga idishay,
 
Dagaalka hada bilow shiri garabka ku taabacsan ee xisbiga muuji oo qaawi in Siilanyo ka baxay waxaad isku ogaydeen iminkanaSamaale kugu garaacayo! iska daa kulanka madhalayska ah ee aad marba madaxtooyada ugu tagaysid shir jaraa,id qabo waa waray dheh si laysugu kiin yimaado oo laydiin dhex dhexadiyo oo runta loogu sheego oo ergo intan ka miisan culusi idin dhex gasho oo debeda lasoo dhigo wixii ka dhaxayn jiray gaashan buurtii jeegaanta ee aad beri hore xidhateen oo Saleebaan Gaal iyo Ina xaashiraga ay ugu yar yihiin golaha ha soo fadhiistaan!
 
Markaas way kala cadaan inuu Siilanyo wax kuu ogol yahay iyo in kale oo godka mulaca wuu ka soo bixi oo badheedhihiisa ayuu cadaysan! Laba mid ayuu noqon nin kuu badheedha oo kaa tashaday iyo nin kaa maarmi waaya oo kugu tashada!, laakiin ijiid aan ku jiidee waa gacmo daalis! xudun iyo nagaad weyne mid uun baad raaci!,
 
Muuse biixi; Alaylehe waad asiibtay taladii oo niyow ma waxan oo aqoona ayaa kugu jiray?
 
Ina c/qaadir; Waar taladu qofka debeda ka jooga ayay u muuqataa ee qofka marka xaal la soo darso ee uu isku buuqsan yahay waxba ma garto oo way ka kala daadataa! sow kii Ina Shabeel ee habaarka ahaa kulama socdo?
 
Muuse biixi;  Haa waa garabka i taageersan,
 
Ina c/qaadir; Hadaa laydinka adkaan maayo oo hadii kaasiba kula jiro waa Jiri gaboqday oo isga ayaa kaaga filaanaya shirarka jaraa,id ee u daa haku tufe Siilanyo, Yaa la socda hogaankii xisbiga dhinaca Siilanyo?
 
Muuse biixi; Kii Waabeeyo ee sugi kari waayay kursiga aad banaysay inataad ka bogsanayso ee meel walba la jiidh siin jiray! iyo mid Ina Talyanle layidhaah oo been masheegayaasha Siilanyo ah! iyo kii Madaxweyne ku xigeenka ahaa oo intii Xirsi doofayba sidii diinka luqunta la soo kacay!, Aniga (muuse biixi) iyo Jaamac Shabeel iyo Xasan waanu wada soconaa,
 
Ina c/qaadir; Waar waad ka ciyaartoy wanaagsan tihiin ee ha biqina keliya midhakaas sameeya intaan laydiin rag urursan ka dhex toosa oo hasugina inata birta laydinka soo afaysanayo! Miyaad ilowday ciyaarihii SNM ee ka dhex tooska?
 
Muuse biixi; Waar waad talisee nagu daa! xageen ka ilaaway hadaabay dib u cusboonay siinayaaye miyaaba lay dhaqaajiyaa ( cibaadayso ayaan cindiga ku hayee hadaan soo celin ciyaarihii!) Bal waxaan sameeyo i dhowr!,
 
Ina c/qaadir; Xukuumadiisa yaa kaala socda adiga?
 
Muuse biixi; Ninkii maqaam sare isaga waan isku hubaa cid kale weli ma hayo inta kale Siilanyo iyo Samaale ayay taageersan yihiin,
 
Ina c/qaadir; Waar kaasiba kuma soo raaceene Samaale ayaa Gabiiley ka qabsaday oo waa cadho Samaale iyo Gabiiley ka kacday ee iska hubso! Waar kan Cadaani maxaad isaga u mustafayn wayday wuu saxmad badan yahaye?
 
Muuse biixi; Waar kaasi waa guul wadaha ugu wayn xukuumada siilanyo! Waa ninka Hargeysa kiish la dhex qaaday ee yidhi cashuurta ayaan gacantayda ku ururinayaa isaga oo Siilanyo ku raali gelinaya oo iska dhigaaya inuu muwaadin xalaala yahay! shaqaalihii shaqadan lahaana meesha ka saaray muu aayar shaqaalaha uun la xisaabtamo oo dar dargeliyo! Sidii Mujaahid Maxamed xaashi,
 
Waar maad ku tidhaahdaan kan  is noolee  Kursigii Cawil baad  ku Fadhidaaye  !
 
Ina c/qaadir; Waxaanu ku xamanaa xagayaga inuu yar khafiifay waxaa laga yaabaa hadii Siilanyo soo eryo inaanu iclaaj geyno oo bal aan dabiibno waxanu miyir qab ma aha ee ma falkay cawil la dooni jireen baa wiilka helay oo waa la falay!,
 
Muuse biixi; Waar kaasi normal ( caadi) maaha ee hadaba ruqsada shaqo ka tegida u qaada haduu dhow yahee,
 
Ina c/qaadir;Sidaas yeel aan kugula taliyay oo taladaas ha laba labayn anaa kan bal arinkisa aan reerkii kula noqdo mar haday kuu muuqtay in uu iminka dhow yahay,
 
Muuse biixi; Igu daa saaxiib ina cafi waatii aynu isyar qardoofaynee!
 
Ina c/qaadir; Cafis iyo musaamax ayaad iga tahay aniga, nabadey,
 
Muuse biixi; Sidoo kale inaadeer nabadeey, 
 
 
Faarax Colow maxamed