Nabadoon Caan ah oo lagu dilay Magaalada Kismaayo in Faah- faahin laga helayo Cida lagu tuhmayo in ay dileen.

dil

Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Kooxo Hubeesan habeenkii xalay Magaaladaasi ku dileen Nabadoon caan ah oo si weyn looga yaqaanay Gudaha Kismaayo.

Kooxaha Hubeesan ayaa rasaas xoogan ku furay Nabadoon Maxamed Nuur xili uu kusugnaa Goob ganacsi uu ku lahaa Magaalada Kismaayo waxaana halkaasi durba ka baxsaday ragii hubeesnaa ee dilay Nabadoonka.

Waxgarad ka soo jeeda gobolada jubooyinka oo ku heyb ahaa dilka nabadoonkaas ku eedeeyey iney ka dambeeyaan ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba oo uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

“Ragga waxay wateen dareyska ciidamada kaambooniyiinta iyo gaari nooca dagaalka ah si barer ah ayeyna u dileen nabadoon Maxamed Nuur ALLAHA u naxariistee dadkii goobta ku sugnaa ayaana cadeynaya taas” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka jubooyinka oo Muqdisho ku sugan.

Ciidamada Maamulka Jubba ayaa inta badan lagu eedeeyaa in Magaalada Kismaayo ka geestaan Dilal qorsheesan iyo xarig loo geesto ganacsatada iyo dad kale oo loo bartilmaameedsado heebta ay kasoo jeedaan.

Salaanmedia/Mogdisho