Ogaysiiis Muhiima: Xaflada London Loogu Qabanaayo Dhismaha Qaadhaan Uruurinta Wada Ceerigaabo. Ka soo Qaybgal Muwaadin

ADOO CEELKA QODAN KARA, HA U CABANIN QAYRKAA Ka soo qayb-gal Shirweynaha dhismaha waddada Ceerigaabo ee London Waxa lala socodsiinayaa Jaalliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Dalkan Britian iyo cid kasta oo danaynaysa dhismaha Waddada dheer ee u Dhaxaysa Burco iyo Ceergaabo in Maalinta Sabtida ah ee ay Taariikhdu tahay 16ka November 2013 Shir aad u ballaadhan lagu qaban doono magaalada London. Shirkaasi oo ay kasoo Qayb gali doonaan Masuuliin sare oo ay ka mid yihiin wasiirka wasaaradda madaxtooyada ahna guddomiyaha guddiga dhismaha waddadaasi mudane Xirsi Cali X Xasan Wasiirka Gaashaan-dhigga mudane Axmed X Cali Cadami, Wasiiru dawlaha maaliyadda mudane Cismaan Saxardiid Caddaani iyo xubnaha kale ee guddiga waddada Ceerigaabo ee heer Qaran ee Jamhuuriyada Somaliland. Haddaba Safaaradda Somaliland ee UK oo kaashanaysa Jaalliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan UK waxay idinku marti-qaadaysaa inaad kasoo qayb gashaan shirkan muhiimka ah. Cinwaanka madasha Shirku waa:

TROXY HALL, 490 Commercial Road, London E1 0HX. Ballantu waa Sabtida 16/11/2013, waqtiguna waa 3:00 – 10:00 pm. Tareenka ugu dhowi waa: Limehouse station, Buses 15, 115, 135, D3 395 Sida aad u iman karto halkan guji http://www.troxy.co.uk/visitor-information.