OGAYSIIS: SHIRWEYNIHII XISBIGA WADDANI UK OO KA DHICI DOONA MAGAALADA BIRMINGHAM 30/11/2013.

Waddani logo

Waxaa sharaf u ah xisbiga Waddani laantiisa UK inay qabsato Shirweynihii Xisbiga ee Laanta UK, kaasoo ka dhici doona Magaalada Birmingham ee Waddankan Ingriiska. Xafladan oo si heer sare ah loo soo abaabulay ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka S/land ahna Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane A/rahman Mohamed A/llahi (Ciro) iyo Madax ka tirsan Xafiiska Heer Qaran ee Xisbiga WADDANI.

Xafladan oo la filayo inay noqoto mid aan nooceeda hore loo arag ayaa waxaa ka soo qaybgeli doona Qaybaha iyo dhamaanba laamaha Xisbiga ee Gobolada iyo Degmooyinka Waddankan UK. Waxaa sidoo kale goobta aan ka maqnaanayn Fanaaniinta kuwoodii casriga ee loogu jeclaa xiliyadan. Warbaahinta noocyadeeda ayaa iyaguna goobtan u soo kala tartamaya.

Hadaba Waxaanu dhamaanba Xubnaha Xisbiga, Taageerayaasha Xisbiga, Cidkastoo danaynaysa Siyaasada Hufan ee Xisbiga WADDANI, Axsaabta Siyaasada ee S/land iyo Weliba Qaybaha Bulshada S/land-ba ku wargelinaynaa inay Xafladu u furan tahay gacmo furana lagu soo dhoweyn doono.

Goobta Xafladu ka dhacayso waa:

ROYAL SUITE BANQUETING PLACE,
BIRCHFIELD ROAD
B20 3DG
BIRMINGHAM.

Wakhtiga Balantu waa:

SABTI 30/11/2013
SAACADAHA: 17:00 – 23:00

Gudida Qaban-Qaabada ee Gobol walba waa:

1) Mubaarak Hilaac Gudoomiye
2) Mohamud Rageh (Birmingham) Xubin
3) Mohamed Ali ( Birmingham) Xubin
4) Xusein Asad (London) Xubin
5) Samsam Mohamed Dalmar (Birmingham) Xubin
6) A/rahman Amiin (London) Xubin
7) Leyla Muse Qulumbe (Bristol) Xubin
8) Intisaar Ali Qoys (Shefield) Xubin
9) Farduus Hamarshol (Birmingham) Xubin
10) Ifrah A/rahman (Lon) Xubin
11) Fa’isa Farah Suusle (Lon) Xubin
12) Axmed Hassan (Lon) Xubin
13) A/llahi Dhegaweyne (Lon) Xubin
14) Yusuf Sadexle (Birm) Xubin
15) Nagiib Osman (Lon) Xubin.
16) Amaal Cabaade (Lon) Xubin
17) Fathia Araale (Lon) Xubin
18) Kaltun Takar (Lon) Xubin
19) Muna Xandule (Milton Keynes) Xubin
20) Abdi Burco (Leicester) Xubin  21) Khadra Ali (N/hampton) Xubin
21) Farhan Fagax-Fagax (Manchester) Xubin).

Hadaba Balanteenu waa Goobtan la isku arki doono iyo in wakhtiga la dhowro.

Mahadsanidin

Afhayeenka Xisbiga Waddani UK
Qasim A Saleebaan
Kasslmn@aol.com