Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Suuqa Eastgate Mall

EastWararka ka imaanaya Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in halkaasi uu shalay ka dhacay qarax noociisa aan ilaa iyo iminka lagaran.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay suuq ganacsi oo lagu magacaabo Eastgate ee Magaalada Johannesburg dalkaasi Koonfur Afrika, halkaasi oo dad shacab ah ay dhibaato kasoo gaadhay.

Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee Johannesburg C/raxmaan Raabi ayaa Idaacada VOA usheegay in qaraxa aan ilaa iyo iminka la aqoon waxa uu ka dhashay.

Wuxuu sheegay in qaraxan uu ka dhex-dhacay dukaan ku dhexyaala Suuqa Eastgate Mall ee dalkaasi Koonfur Afrika ayna ku dhaawacmeen dad gaarayaa ilaa sideed ruux oo shacab ah,kana dukaamaysanaye goobta qaraxa uu ka dhacay.

Suuqaan ayaa wuxuu ku yaal meel kudhaw Airport-ka Johannesburg , waxaana lala leeyahay Suuqa westgate Mall ee Magaalada Nairobi oo Al-Shabaab kol hore ay weerar dhiig badan ku daatay ay ku qaadeen.

Salaanmedia/Hargaysa