RAYSAL-WASAARAHA INGIRIISKA OO SHAACIYAY DHAQAN-GELINTA QAYB SHAREECADA ISLAAMKA AH “FIQHI AL-MUCAAMALAAT” (CIBRO IYO DAAHFUR)

image

Qeexida dhaqaalaha Islaamiga ah waxay culimada Islaamku ku qeexaan: dhaqan-gelinta ama ku dhaqanka Usuusha iyo Qawaacida caamka ah ee shareecadda Islaamka oo laga qaadanayo Qur’aanka iyo Sunadda iyo dhisme lagu dul-bineeyo Usuushaas iyo Qawaacidaas oo waafaqsan Goob-kasta iyo Goor-kasta, loona yaqaano Fiqhi al-mucaamalaat “Islamic rules on transactions”, tani macnaheedu wuxuu yahay marka lasoo koobo sida magacaba ka muuqata dhaqaalaha islaamiga ah “Islamic economic” waa dhaqaalle u hogaansan Alle swt, sida shaqsiga Islaamka ahiba uu u yahay shaqsi Alle swt u hogaansan (Al-Islaam = Istislaam lilaahi), waxaana kasoo horjeeda dhaqaalaha Ribawiga ah “Conventional System” oo ah mid ka madax-banaan Alle swt iyo amaawiirtiisaba, isha iyo masdarka laga qaato dhaqaalaha Islaamiga ah iyo hab-maamulkiisa Bangiyadda Islaamiga ah waa, masaadirta tashriiciga ah oo kala ah Qur’aanka kariimka ah, Sunadda shariifka ah, Ijmaaca culimadda iyo Qiyaaska “Ijtihaadka Mujtahidiinta A’imadda” iwm.

Waxay ahayd horaantii bishan 02/11/2013, gebagebadii shirkii sagaalaad ee dhaqaalaha Islaamiga ah ee aduunka “The World Islamic Economic Forum”iyo kulankiisii koowaad ee abid ka qabsooma meel ka baxsan wadamadda Islaamka, wuxuu ka qabsoomay London caasimadda Boqortooyadda Ingiriiska, waxaana marti-geliyay David Cameron Raysal-wasaaraha Ingiriiska oo isagu lahaa codsiga marti-gelinta shirka, TOLOW muxuu ujeedaa? Wasadaqalaahul cadiim “Waxaanu ka tusi doonaa aayaadkayaga hareerahooda iyo naftoodaba ilaa ay iyaga uga cadaato inuu yahay Xaq” (Suuratu Fusilat aayada 53) Maadadda Fiqhi al-mucaamalaat oo ah seeska dhaqaalaha Islaamiga ah, waxa jideeyay Alle swt shan iyo toban qarni (1,500 sano) kahor, waana Fiqhi ka mid ah shareecadda Islaamka oo culimadda Islaamku u qaybiyaan todaba Fiqhi, sida Fiqhi al-cibaadaat, Fiqhi al-mucaamalaat, Fiqhi al-cuquubaad iwm.

Waxa shirka marti u ahaa 1,800 ergay oo ka kala socday 115 waddan oo wadamadda Islaamka ah, waxa qudbadii furitaanka qaatay Raysal-wasaare David Cameron oo ah marti-geliyaha shirka, wuxuu ku araartay daraasad cilmiyeed xeel-dheer oo ay sameeyeen Ragiisu “Tiimkiisa” natiijadeedii uga soo baxdayna ay noqotay in dhaqaalaha Islaamiga ahi uu sameeyay kodhodh dhan 150% ilaa 2006, sabab ah in dhaqaalaha Islaamiga ahi ku dhisan yahay hawl-gal xaqiiqi ah “Real activity” oo ka fog mala-awaal “Assuming” iyo qiyaamo“Gambling” xilli uu dhaqaalaha Ribawiga ahi ku sii socday hoobadkii keenay dhibaatadii dhaqaale “Financial crises” ee ku habsatay wadamadda galbeedka, wuxuuna Raysal-wasaare David Cameron si rasmi ah shirka uga shaaciyay qodobo ay ka mid ahaayeen:

 

  1. In Dawlada Ingiriisku ay noqatay wadankii ugu horeeyay ee reer galbeed ah“Western country” oo soo saara “Sovereign Sukuk” ama Islamic bond oo ah heshiis maaliyadeed maal-gelin iyo maal-gashi “investment & financing contract” ku salaysan shareecadda Islaamka, (“Bond”asalkiisu waa Dukmanti maaliyadeed Financial Instrument“ laguna qeexo, heshiis maal-gelin waqti dheer oo maal-gelintii iyo dulsaarkeedaba la bixinayo waqti cayiman, marka hab Islaami ah loo dhigana wuxuu noqonayaa Profit-Sharing ama Mudharbah“ laguna qeexo heshiis maal-gelin faa’iidada ka dhalata ay wadaagayaan maal-geliyaha iyo la maal-geliyaha si ay heshiis ku yihiin ilaa inta maal-gelintii ay kasoo noqonayso)
  2. In aanay mardanbe ka dhicin Ingiriiska in qof muslim ahi uu dareemo in aanuu tegi karin Jaamacadda sabab isaga oo aan heli karin daynta waxbarashadda “Student loan” bilaa riba ah, keliya sabab diintiisa la-xidhiidha, waxaana dhaqan-gelaya hab cusub oo ah “loans for Islamic student” ama goodly loan “Qardul xasan“.
  3. In London Stock Exchange oo kamid ah Bangiga dhexe ee Ingiriiska “Bank of England” ay abuurtay qayb cusub oo ah Islamic Financial Market ku salaysan shareecadda Islaamka, ayna hir-gelinayaan maal-gelin dhan £200 million British Pounds horaanta sanadka danbe 2014, taas oo noqondoonta “Teasury Islamic bond”

Waxa ka mid ahaa qudbadii Cameron: Madoonayo keliya inay London noqoto Caasimadda dhaqaalaha Islaamiga ah ee wadamadda reer gelbeedka ee waxaan doonayaa London inay noqoto Caasimadda dhaqaalaha Islaamiga ah ee aduunka oo dhan.“I don’t just want London to be a great capital of Islamic finance in the Western world, I want London to stand alongside Dubai and Kuala Lumpur as one of the great capitals of Islamic finance anywhere in the world,”

Waxa iyana xusid mudan akhriste marka aynu dib u milicsano taariikhda cusub ee dhaqaalaha Islaamiga ah iyo habkiisa maamul ee Bangiyadda Islaamiga ah inay ku bilaabantay hab Fall-celin u ahayd fiditaankii uu isticmaarku ku fidiyay wadamadda Islaamka dhaqaalaha ribawiga ah, taas oo keentay in culimadii islaamka ee noolaa qarnigii 19aad ay u istaagaan inay soo nooleeyaan dhaqaalaha Islaamiga ah iyo hab maamulkiisa Bangiyadda Islaamiga ah, ahdaafta iyo ujeedooyinka ugu mihiimsan ee ay culimaddu lahaayeena waxa ka mid ahaa:

 

  1. Dhaqan-gelinta amaawirta Alle swt ee Majaalka Dhaqaalaha iyo ka xoraynta mujtamaca Islaamka ah ku dhaqanka waxyaalaha lidiga ku ah shareecadda Islaamka.
  2. Ka fogaanshaha ku dhaqanka faa’iidadda dulsaarka ah (Ribada) qaadasho iyo bixinba.


Akhriste ii ogoloow markale inaan indhaheena ujeedino waxa ay qabaan ama ay aaminsan yihiin xeel-dheerayaasha dhaqaalaha Ribawiga ah wax ka mid ah:

 

  1. Dhaqaalle majirayo ilaa Bangiyo la helayo mooyee, Bangiyana majirayaan ilaa faa’iidada dulsaarka ah (Ribada) la helayo mooyee.
  2. Sukuuk Sovereign ama “Shariah bond” waa hab maaliyadeed ku salaysan mabaad’ii Diiniya oo dadka xayiraad ka saaraysa faa’iidada dul-saarka (Ribada) iyo tabaha kale ee wax kala iibsiga (gambling) ee ka jirta dunida xorta ah.
  3. Si lamid ah sida faylasuufyada reer galbeedka ereyadan waxa ku cabiray dhaqaalaha Islaamiga ah jariirada afka dheer ee Ruters cadadkeedii Tue Oct 29, 2013“Sukuk are investment certificates which follow religious principles such as a ban on interest and gambling”
  4. Jariiradda kale ee “The Telegraph” waxay Subject ama cinwaan u qaadatay isla maalintii shirka lafurayay Tue Oct 29, 2013, “Britain to become first non-muslis country to launch Sharia bond” iyaga oo rayul caamka uga dhigaya Shareecadu inay tahay gef laga fogaado.

Hadaba akhriste adiga oo maanka ku haya tacriifinta ama qeexida dhaqaalaha Islaamiga ah ee qormadda aan ku balaysinay iyo taariikhda cusub ee dhaqaalaha Islaamiga ah iyo habkiisa maamul ee Bangiyada Islaamiga ah iyo weliba rayiga faylasuufyadda galbeedka iyo saxaafadooda, waxa kuu soo baxaya in dhaqan-gelinta dhaqaalaha Islaamiga ah “Fiqh al-mucamalaat“ uu yahay dhaqan-gelinta qayb shareecadda Islaamka ah.

Ugu danbayntii akhriste, su’aasha iswaydiinta mudani waxay tahay waa maxay cibradda iyo daah-furka ku jira marti-gelinta iyo dhaqan-gelinta David Cameron ee dhaqaalaha Islaamiga ah? fahamkayga waxa ka mid ah qodobadan:

  1. In xoriyadda dhamayska tirani “Full freedon” aanay XAQA waxba yeelin, mar kasta oo uu xaqu helo xoriyad dhamaystirana ay midhihiisu badanayaan.
  2. David Cameron oo ah quwada labaad ee galbeedka iyo ta koowaad ee Yurub oo cirka ku faruur xidhan kibir dartii, mar haduu aqbalay dhaqan-gelinta Fiqhi al-mucaamalaat (dhaqaalaha shareecadda) waxba kuma aha in uu aqbalo Fiqhi al-axkaam al-suldaaniyah iyo Fiqhi al-cibaadaatba, isaga oo weliba sheegay inuu daaci ku noqondoono arintan uuna qorshihiisu yahay in London ay noqoto albaabkii uu dhaqaalaha Islaamiga ah uu caalamka uga gudbi lahaa “our commtment to help london lead the way in Islamic finance across the world”.
  3. Faraqa u dhexeeya madaxda wadamadda Islaamka iyo kuwa reer gelbeedka, kuweenu awood uma laha in ay si furan oo ku salaysan danta shucuubtoodu ay uga fekeraan waxa hareerahooda ka dhacaya, halka David uu ku cibro qaatay wixii ku dhacay dhaqaalaha Ribawiga ah ee Islaamka uu hore uga maqlay.
  4. Muslimiinta Qurba jooga ah ayaa diinta iyo dacwadda uga nacfi badan kuwa degal jooga ah, makula tahay akhriste in David Cameron uu ku dhiiran lahaa dhaqan-gelinta dhaqaalaha shareecadda Islaamka ku dhisan, isaga oo arkaya milyaneer Muslim ah oo dhaar ku deedafeenaya xuquuq mid ka mid ah shaqaalihiisa oo lix sano u shaqaynayay kuna dhaaranaya inaanu weligii ka mid noqon shaqaalihiisa rasmiga ah.
  5. Iyadoo aynu qarnigii labaad madaxa lagalayno marka laga soo bilaabo taariikhdii ay Culimadu isu taageen inay Caalam Islaami ka xoreeyaan dhaqaalaha Ribawiga ah ee isticmaarku layimid, dedaalkoodiina uu maanta keenay in Ingiriis oo ah quwada labaad ee reer-galbeedka iyo ta koowaad ee Yurub ay qaadato dhaqaalaha Islaamiga ee Shareecada ka amar qaadanaya ee xaaraantimaynaya Ribada, inaynu inaguna maanta dall ahaan ujoogno ku dhaqanka Ribada gaar ahaan goobihii waxbarashada sare sida Jaamacadaha qaar, halka aqoon-yahan keeniina, uu dhaqaalaheena oo fiicnaada uu shuuud uga dhigayo dhaqan-gelinta Dimuqraadiyada.

Waxay iyana cibrada ka mid ah akhriste, in cilmiga dhaqaalaha Islaamiga ah iyo hab-maamulkiisa Bangiyada Islaamiga ah oo mar horaba dalkeena ay ka biloowday Jaamacadda Caalamiga ah ee Beder ay yar tahay cid ka faa’iidaysanaysa gaar ahaan “Abnaa’u Saxwa” oo iyaga ay u fududahay barashada maadadan, maadaama marka horeba ay ku hawlanaayeen cilmul sharci, halka David Cameron uu sidan sheegayo “We have over 16 universities or business schools offering MBA’s or similar qualifications in Islamic finance, including the new program for senior executives announced by Cambridge University last week“

Guntii iyo gunaanadkii, waxaan ka cudurdaaranayaa inaanan ehel u ahayn ka hadalka moowduucan, oo aanan awoodna u lahayn in cibrada ku duugan moowduucan aan soo bandhigo, keliya waxay iga tahay xusid iyo xasuusin aan ku baraarujinayo cida ehelka u ah inay u istaagaan inay sida ugu haboon uga faa’iideeyaan moowduucan muhiimadda badan.

Fiiro gaar ah: Erayada carabida ah ee aan soomaaliyeeyay waxa sabab u ah warbaahinteena oo aan Arabic system lahayn, waxaanse ku calaamadiyay boldama underline si ay u muuqato in asal ahaan aanay sidan u qormaynin.

Mahadsanidiin

Mustafa Ismaaciil Xaashi
Hargaysa Somaliland
Email adress: mastar22@hotmail.com
Phone: 0634410245.