Sarkaal Mansab sare ka hayay xisbiga UCID oo Iscashishay-Marwo Aamina Jirde Faarax, guddoomiyaha ololaha (Campaign-ka) gobolka Maroodi-Jeex ee xisbiga UCID oo is casishay.

November 25th, 2013 

haweenayda is casishay

Hargeysa (SM)-Marwo Aamina Jirde Faarax, guddoomiyaha ololaha (Campaign-ka) gobolka Maroodi-Jeex ee xisbiga UCID ayaa sheegtay inay xisbigaasi iska casishay, isla markaana ku eedaysay hogaanka xisbigaasi inuu dalka dib ugu celinayo wixii dhacay 1994-kii.

Guddoomiyaha ololaha gobolka Maroodi-Jeex ee xisbiga UCID ayaa sidaasi ku sheegay Mar ay xalay nagu soo booqatay xarunta Wargeyska Haatuf, taas oo ugu baaqday xukuumada Madaxweyne Siilaanyo in gurmad degdeg ah laga galo wax ka qabashada shirka qaran ee qabanqaabadiisu socoto oo ay ku tilmaantay inuu khilaafsan yahay dastuurka oo uu meel ka dhac ku yahay qaranimada Somaliland.

Ugu Horayna iyada oo Marwo Aamina Jirde Faarax ka hadlaysa arintaasi waxa ay tidhi “Xisbiga UCID oo ahaa xisbi qaran oo mudo badan soo jiray, laakiinse maanta xisbi qaran maaha, ururna maaha, hogaankii xisbiga ugu sareeyey maanta raadkii 1994-kii ayuu dib noo raaciyey mana aqbalayno mana yeelayno. Waxaanan halkan ka cadaynayaa in xisbiga UCID xilkii aan u hayey 11 sano aan caawa oo ay taariikhdu tahay 14/11/2013-ka aaan iska casilay oo aan miiska saaray, maadaama oo aynu maanta taaganahay raadkii 94-kii oo xisbiga UCID dib noogu celiyey inaynu ku noqono dhibtii aynu soo marnay ee dhimashadii, dhaawacii iyo qaxootigii maanta hogaanka xisbiga UCID uu doonayo in dib loogu noqdo.

Sidaa darteed waxaan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu baaqayaa in gurmad degdeg ah laga galo oo arinkaa laga hor gato, oo shirkaasi ma ogolin, dastuurkuna ma ogola, qaranimada Somaliland buu meel kaga dhacayaa shirkaa hadii la qabto.
Kii aynu ku dhisanay nabadaa iyo xasiloonidaa aynu ku daashoonayno kii mid aan ahayn in aan la qaban ayaanu soo jeedinaynaa.
Reer wuu shiri karaa, laakiinse la tashi qaran, ma garanayo anigu dastuurka meel ay kaga taalo, ninka yidhi maanta tashi qaran, yaa laga tashanayaa yaase loo tashanayaa, meeshan waynu isku tashanay, dastuurbaynu samaysanay, laba gole qaran baynu samaysanay, saddex xisbi baynu samaysanay, maanta nabadgalayada Jamhuuriyada Somaliland ka jiraa Maraykan baanay ka jirin, Ingiriis-baanay ka jirin, Soomaali baanay ka jirin, Afrikada kalaanay ka jirin.

Waxaan leeyahay mudaharaad weyn oo shirkaa lagaga soo horjeedo waa in aad qabataan, hadii ay cidi i raaci waydo kaligay baa calanka qaadanaya, sidaasaana igu kaliftay inaan saacadaa soo kaco”.

Salaanmedia/Hargaysa

XIGASHO; WARGEYSKA HAATUF