Senator Bob Menendez : “Marka aad eegto xaaladda Syria ka taagan waxaa kuu muuqanaya Soomaaliya waayo waxyaabo badan ayay ..”

Senator Bob Menendez : “Marka aad u eegto xaaladda Syria ka taagan waxaa kuu muuqanaya Soomaaliya waayo waxyaabo badan ayay ..”

Senator Bob Menendez oo madax u ah gudiga xidhiidhka dibbada ee golaha Senate ka dalka Maraykanka ayaa sheegay in dalka Syria uu noqon doono Soomaaliyada bariga dhexe haddii aan deg deg wax looga qaban.

bob-menendez

Senetorkaan oo la hadlay Tv,ga CNN ayaa sheegay in dalka Suuriya uu hadda hayo wadada Soomaaliya oo kale oo ay ku qul qulayaan  dagaalamayaal ka tirsan Al-Qacida isla markaana ay ka dhex dilaaceen maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed taasoo ah buu yidhi dhibaatada hadda haysata dadka Soomaaliyeed.

“Marka aad eegto xaaladda Syria ka taagan waxaa kuu muuqanaya Soomaaliya waayo waxyaabo badan ayay iska mid yihiin sida Al-Qacidada ku qul qulaysa ee ka dhex dagaalamaya, maleeshiyada qoryaha sida iyo dadka naftooda kala cararaya marka Syria haddii aan arrinteeda wax laga qaban waxay noqonaysaa Soomaaliyada bariga dhexe” ayuu yidhi Senetor Bob Menendez.

Dalka Syria oo ka mid ah dalalka Carbeed kuwooda ugu tunka weynaa ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya dawlada dalkaas iyo oo lagu kacay iyo kooxo hubeysan waxaana Q,M sheegtay in in ka badan 100 kun oo ruux ay ku naf waayeen.

Mar kasta oo loo digayo dad dalkiisu ay dhibaato adagi ka jirto waxaa tusaale loo soo qaataa dalkaan Soomaaliya oo muddo 20 sano ka badan dhibaato ka jirto. Salaanmedia/London