Shir 700 Suxufi Uga Furmay Addis-ababa Iyo Wariyayaal Reer Somaliland Oo Ka Mid Ah

(SM-Addis-ababa) -Shirka Lixaad ee Madaxda saxaafadda Afrika oo sanadkan ka dhacaya Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis-ababa ayaa maanta si rasmi ah halkaasi uga furmay, waxaana ka qayb-galaya ilaa 700 oo suxufi oo ka kala yimid Waddamada Qaramada Afrika.

Raysal-Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, oo furay shirwaynahan, ayaa soo dhaweeyay Madaxda saxaafadda Afrika, waxaanu ku booriyey sida loogu baahan yahay in ay horumarka qaaradda ka qayb qaataan, waxaanu ka codsaday suxufiyiinta Afrika inay shirkoodan ka soo saaraan qoddobo waxtar u leh saxaafadda iyo dalalkooda si loo higsado buu yidhi horumarka Afrika ku talaabsanayso.

Guddoomiyaha hay’adda AMI (African Media Inititive)  Amadou Mahta) oo isaguna ka hadlay furitaanka shirkan, ayaa Raysal-Wasaaraha dalka Itoobiya uga mahadnaqay Martiqaadka uu madaxda Saxaafadda Afrika ku martiqaaday dalkiisa.

Kulanka Madaxda Saxaafadda Afrika oo ka socda Xarunta Qaramada Midoobay ee Caasimada Dalka Itoobiya ayaa waxa lagu gorfayn doonaa sidii loo qaabayn lahaa saxaafadda iyo suxufiyiinta Afrika, iyadoo diirada la saari doono hogaaminta saxaafadda Afrika iyo Anshaxeeda, Horumarka tiknoolajiyada saxaafadda iyo sidii loogu heli lahaa dhaqaale lagu horumariyo.

Dhinaca Somaliland waxa uga qayb galay shirkaasi afar suxufi oo kala ah Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo) oo ka socda Wargeyska Geeska Afrika, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo ka socda wargeyska Waaheen, xoghayaha SOLJA Maxamed-Rashid Muxumed Faarax iyo Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo ah guddoomiyihii hore ee SOLJA.

Salaanmedia/Hargaysa