shir beeleedkii saleebaan gaal burco ku qabtay 2002 dii ee uu isku hortaagay hanaaka xisbiya badan ayaa ka khatar badnaa ka uu manta diiday !

SALEEBAAN

Waqtigii dalku ka tashaday inuu ka guuro in awooda dalka iyo siyaasada lagu qaybsado habka qabiilka ee koonfurta somaliya looga yaqaan 4.5 una guuro habka xisbiyada badan oo baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka iyo kursiga mataxtooyadaba lagu tartamo iyada oo asxaab layahay ayuu gudoomiye saleebaan gaal diiday inuu diiwaan geliyo ururkii ASAD waqtigaas oo uu xukunka hayay madaxweyne cigaal AHN,
 
waxa uu dalka ka abuuray jawi siyaasadeed oo cakiran waxa uu siyaasadeeyay hogaankii dhaqanka isaga oo u maray hab beeleed burshada burco degan waa maalinta ay garteen khatarta uu saleebaan gaal damacsan yahay inuu marlabaad burco dagaal geliyo waqtigaas waxay reer burco ka soo yar doogeen dagaal mudo sadex sano ah socday oo dad iyo duuyo balaadhan lagu waayay oo wax macno leh oo laysku dilaayo lagaranwaayay waa dagaalkii uu marxuun cigaal u bixiyay mashruuc  maalintaas waxay reer burco ku yidhaah deen saleebaan gaal mar idage alleh ha dago laba jeer idage aniga ayaa is dagay saaxiib meeshani waa meesha aad dagaalka lagu riiqday ka ridaye hadaad xukuumada ina cigaal mucaarad kutahay orod oo shir beeleed kaaga hargaysa u rar! waa kii shirkii hargeysa u raray ee madaxweyne cigaal ciidanka tawaangida u badan dul dhigay!
 
iyada oo qir iyo qir ay kala taagan yihiin oo saleebaan gaal laga waayay dalka iyo dadka marlabaad dagaal ha gelin oo aanay xabadu afka qoriga ka bixin ayaa loola cararay madaxweyne cigaal south Africa ilaahay SWT kama soo celin oo tiisii ayay noqotay kadib markii madaxweyne riyaale xilka loo dhaariyay ayuu riyaale xarfad siyaasdeed oo cusub la yimid oo ku yidhi waar ileen nin cusub oo hada xilka qabtay ayaan ahaye xaashad cusub ama bog cusub inoo fur oo aynu ka wada hadalo waxaad tabanayso sidii ayaa lagu qanciyay saleebaan gaal,
 
kadib isaga oo siilaanyo ka qabsaday reer kii uu hor boodayay oo uu ku dhawaaqay xisbiga kulmiye oo siilanyo ka cadhaysan ayuu urur kiisii ASAD kula biiray xisbigii UDUB sidaas baana kooxdii UDUB hogaanka u haysay ee riyaale madaxda u ahaa ay ugu  cumaamadeen xilka uu maanta ku fadhiyo ee gudoomiyaha guurtida si ay iyana uga faa,idaystaan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya saleebaan gaal  iyo siilanyo! maadaama oo siilanyo xisbiga kulmiye ku dhawaaqay,
 
khilaaf dheer kadib waxay beesha uu saleebaan gaal iyo siilanyo kasoo jeedaan qabatay shirkii ka dhacay garadag oo lagu xaliyay xurguftii siyaasadeed ee dhex jiiftay labada oday waxaanay gogosha u xaadhay in uu talada dalka ku guulaysto madaxweyne siilanyo! tan iyo markii lasoo afjaray khilaaf kaas gudoomiye saleebaan gaal waxa uu ku shaqay nayay awaamiirtii shirkii garadag laysla gaadhay! xilkan qaran ee miisan ka leh ee uu hayo ugumuu shaqaynayan hanaan qaran ee danaha iyo siyaasada reerka uu ka dhashay ayuu gaadh ka ahaa!
 
xitaa waxaa muuqatay markii muranka siyaasadeed ka dhex oognaa madaxweyne riyaale iyo siilanyo ee mucaaridada kulmiye meesha adag maraysay waxa uu la safnaa xisbiga kulmiye isaga siyaasada ku matelaayay inuu ka tirsan yahay xisbiga UDUB waxa uu ahaa waxay gaaladu ugu yeedhaan Double agent waa ka aynu nidhaah waa laba wejiile waa qof aad moodaysid inuu adiga kula jiro oo hadana kaa jira! saleebaan gaal daacad kama aha marka uu leeyahay shirweyne qaran xisbiyada mucaaridka ah ma qabsan karaan kamana aha mid dalka iyo dadka fowdo siyaasadeed ka ilaalinaya keliya waxa uu gaadh ka hayaa in xukuumada siilanyo la kulanto mucaaridad adag,
 
hadaba qaranka Somaliland waxaan leenahay hadii la rabo in wax la saxo xilka saleebaan gaal hayo ee dalka ugu muhiimsan ee la rabay inuu qarankan daayacan ugu shaqeeyo waa in laga tashadaa qofkii dalka iyo dadka u daacada ee lagu aamini lahaa ee daacad ugu shaqayn lahaa ee loo dhiibi lahaa.
 
 
Aadan Axmed Nuur 

London