Shir-Guddoonka Golaha Wakiilada Oo Laalay Isku Shaandhayn Uu Guddoomiye Cirro Ku Sameeyey Guddi Hoosadyada Golaha

(SM:Hargaysa) Shirgudoonka Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa laalay isku shaandheyntii uu dhawaan Guddi hoosaadyada aqalkaasi ku sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ay maanta si wada jir ah u soo saareen Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Gudoomiye Ku xigeenka labaad Md. Cali Yuusuf Axmed, waxaanay tilmaameen in aanay sharciga waafaqsanayn isku shaandheyntii lagu sameeyay Guddi hoosaadyada, waxaanu qoraalkoodu u dhignaa sidan:-

 

 

“Markii aanu arragnay qodobka 18-aad, fiqrada 5-aad ee xeer hoosaaska Golaha Wakiiladda oo u qoran sida hoos ku cad “Xubnaha Guddida la iskuma shaan-dheyn karo sanadka u horreeya iyo ka u dambeeyaba ee mudada Golaha Wakiiladda, mana banaana in xubnaha Gudida dhammaantood la wada bedelo mar kaliya”.

 

 

Sidaas daraadeed, waxaanu xubnaha Golaha Wakiiladda la socodsiinaynaa iyadoo la raacayo qodobka 18-aad fiqrada shanaad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda ee kor ku xusan in la qaatay odobadan hoos ku qoran:-

1)- In isku shaandheyntii la joojiyay

2)-In Guddidu ahaanayaan sidii hore illaa amar dambe

3)-In Guddiyadu soo dhamaystiraan xeerarkii ay hore u hayeen

4)-In Isku shaandheyn la samayn doono markay haboonaato, iyadoo xeerarka la waafajin doono.

Salaanmedia/Hargaysa