Shirkadda Pontus Marine Ltd oo lagu soo dhaweeyay Stockholm

Shirkadda Pontus Marine Ltd oo lagu soo dhaweeyay Stockholm

DSC_0375

Shirkadda kalluunka ee dhawaan la asaasay, Pontus Marine Ltd ayaa Sabtidii, 09.11.2013, la kulantay boqolaal isugu jiray rag iyo dumar oo ka mid ah dadwaynaha deggan magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden.

 

Maamulka sare ee shirkadda Pontus Marine Ltd ayaa dadwaynaha ka soo qaybgalay kulankaas uga warramay fursadaha ganacsi ee kalluunka xeebaheenna iyo suuqyada ay u iibgaynayaan kalluunka la soo qabto.

DSC_0485

Waxa kaloo maamulka shirkaddu ka warramay qaabka loo maalgashan karo shirkadda Pontus Marine oo saamiyadeedu xidhmayaan 31.dec 2013.

 

Qaar ka mid ah Dadwaynahihii ka soo qaybgalay kulanka ayaa isla goobtii ku iibsaday saamiyo badan, iyadoo qaarkoodna ay isla goobtii ku bixiyeen lacagta saamiyadii ay iibsadeen.

Maamulka sare ee shirkadda Pontus Marine Ltd ayaa sidoo kale maalintii jimcaha 08.11.2013 kulan kula yeeshay magaalada Stockholm shirkado Swedish ah oo danaynaya ganacsiga dalkeenna, iyadoo halkaas loogu gogolxaadhay kulammo danbe oo lagu sii xoojinayo xidhiidhka cusub.

Guud ahaan dadwaynaha deggan dallaka Scandanavianka ayaa si ballaadhan u soo dhaweeyay Shirkadda Pontud Marine, iyadoo bishii hore ay kulammo kan la mid ah ku qabteen  magaalooyinka Copenhagen (Denmark), Oslo (Norway) iyo Malmø (Sweden).

Salaanmedia/Sweden