Shirkii Doodda Qaran Ee Kulmiye Iyo UCID Ee 2006-dii Durba Miyaad illowdeen Qalinkii: Boobe Yuuf Ducaale

boobe
Qaybtaa hore tixdii ayay ahayd e’, bal dhacdooyinka aynu durba illownay laba ka mid ah, aan tiraab ahaan idiin ku soo tebiyo, aniga oo ka xun in aanan farshaxannimadaa Ibraahin-gadhle oo kale ku soo tebin karayn. Waa laba dhacdo :

Shirkii Doodda Qaran ee Kulmiye iyo UCID : 2006dii

Dhacdada: 1aad

Waxba yaanan arar tiigsan iyo toocistii hadal, waa halkii Timacadde e’. Beydka gabayga ah ee Timacadde ayaa ahaa:

Waxba yaanan arar tiigsan iyo, toocistii gabay e’,

Sannadku wuxu ahaa 2006dii, bil ammaara beryihii ay dagaalladii ugu xumaa ka socdeen Muqdisho. Magaalada ama madashuba waa Hargeysa. Waxa la joogaa hudheel la odhan jiray Obama oo immika lagu magacaabo Fish & steak House.

Labadii xisbi-mucaarad ee Kulmiye iyo UCID oo ay weheliyaan siyaasiin madax-bannaani ayaa shir dood qaran ah ku qabsaday. Mowduuca dooddu wuxu ahaa dagaalladii Maxaakiimta iyo Ciidammada Itoobiya ku dhex marayay Muqdisho. Madaxweynihii markaa xilka hayay iyo dawladdii jirtay dan iyo muraad kama gelin. Shirkaasi wuu qabsoomay oo nabadgelyo ayuu ku dhammaaday. Wasiirkeenna Arrimaha Gudaha ee xukuumadda maanta jirtaa, xukuumaddaa Ra’yaalena wasiir ayuu ka ahaa. Shir jaraa’id kama qaban. Iyada oo Xamar iyo dagaalladii ka socday laga hadlayay, nimankii hawshaa waday feylasha uu maanta ku hanjabayo kama hayn.

Wasiirkeenna Arrimaha Gudaha ayaa ku hanjabaya in uu feylal ka hayo dad u adeegaya Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo Shirkan Doodda Qaran qabanqaabinaya si ay Somaliland ugu minjo-xaabiyaan. Hadda wuxu ku doodayaa oo war-baahinta ka sii daynayaa in uu feyalshaa hayo. Weli tan oo kale ma aragteen! Sheeko iyo shaahid midna miyaad ku haysaan. Hadda dadka jeelasha ku jira ee xukumani waxay u xidhan yihiin eedo la sheegay in ay galeen oo maxkamad horteeda lagu go’aamiyay. Bal hadda u fiirsada Wasiirkii Ammaanka ka mas’uulka ahaa wuxu ku hadlayo. Meeday Xeer-ilaalintii eedayn lahayd? Mee Bilayskii qaban lahaa? Meeday Maxkamaddii xukumi lahayd? Xukuumaddii dhammayd iyo Madaxweynihiina waa ay daawanayaan…..maqlayaan…..qoslayaan…..oo weliba sacabbada u tumayaan.

Belo afka lagama dhowree, bal hadda Waran-cadde aynu waxoogaa su’aalo ah weydiinno. Ma Madasha Wada-tashiga ayuu feylasha ka hayaa oo lacagta soo qaadatay iyo qandaraaskaba? Ma Xasan Ciise Jaamac baa? Ma Xasan Guuraa? Ma Ibraahin Dhega-weynaa? Mise tolow ninka uu haystaaba waa Maxamed Xaashi Cilmi? Hadda Waran-cadde intii aan Wasiirka laga dhigin, subaxda hore guriga Maxamed Xaashi ayuu ku soo kallihi jiray. Muu sugi kari jirin inta uu soo toosayo Maxamed Xaashi ee uu Maansoor imanayo. Danjire Axmed Xasan Cigaal iyo intii la socon jirtay maye? Illeyn af aan kugu ool ma qabatid !

Tolow, mise odeygeennan Waran-cadde wuxu haystaa Feysal Cali Waraabe iyo ku-xigeennadiisa? Mise eedayntu waxay ku socotaa Guddoomiye Cirro iyo ku-xigeennadiisa?

Mise, waxaniba waa meel soke e’, ninka Ina Waran-cadde u adeysani waa Dr. Maxamed Cismaan Fadal? Oo Dr. Maxamed Cismaan Fadal muxuu ku haystaa? Ma waxa kiis looga dhigayaa Zeynab Yuusuf Xaaji Aadan Cilmi Qabille, ayaa xaaskiisa ah oo ay walaalo yihiin Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya? Ma taas ayuu kiis uga dhigayaa? Waran-cadde yuu haystaa dee?

Beri ayaa waxa isu gabyay Ibraahin-gadhle iyo Yam-yam, Ilaahay labadoodaba naxariistii Janno ha ka waraabiyo e’. Tuduc uu Ibraahin-gadhle ku jawaabayay, ayaa ahaa :

Yam-yam baa Gob baan ahay,

Gabay noogu soo diray,

Annagana Gun nagu yidhi,

Alleylehe waa tii oo kale iyo tii teedii.

Maansayahan waqtigu hayo oo na ag marayay markii aanu intaa dareerinaynay, ayaa na yar dul joogsaday oo yidhi : ‘Anigana intan iga qora.’ Iyo intee, waxaanu yidhi :

Waran baa sir baan helay,

Iyo dabinno suuryo ah,

Siinleey ku soo diray,

Annagana dad saabulay,

Qarannimo sunuud iyo,

Caantaynba siistuu,

Gabay noogu soo diray,

Waxba yaan ku xiiqin e’, aan ku soo xidho tuduc Ibraahin-gadhle lahaa oo maansooyinkaa ku jiray, gaar ahaan tixdiisii Tuhun-reeb, kaas oo ahaa :

Tuug waa is-qariyaa,

Halka uu ka xado tulud,

Tahan buu ka guuraa,

Toddobaadkan Xaajow,

Mid tiriig sitaa yimid,

Ma isagaa ahba kii dadka ku odhan lahaa feylal baan ka hayaa. Qofku haddii uu eedoobo sow tii Xeer-ilaalinta iyo dembi-baadhistu la wareegi jireen ee maxkamadaha la geyn jiray. Aflaam aynu beri hore soo daawannay ayaa Waran-cadde maanta weli u daaran. Xilow lagu jecel. Waxay kaga dheggan tahay xilliyadii Kacaan-sheegatadii ee hal-haysku ahaa : ’Waa laga dambeeyaa.’ Show odeygu kamaba war hayo in arrinkii isu beddelay : ‘Waa laga horreeyay. ‘

Sababtu wax kale ma aha oo aan ahayn in aan dad badan laga abaal-marin wixii ay dhibaato hore u geysteen, kuwan la eedeynayana aan laga abaal-marin dhibtii ay dal iyo dadba u soo muteen. Dhiilladeennu waa taas. Sidii Gaarriye sheegay, weli garoonkii aan biraha goolka lahayn ayaynu ku ciyaaraynaa. Bal u fiirsada dhufaysyadan cusub ee samaysmay iyo sida loogu kala jiro. Odhaahdaa ahayd : ‘’Lababa isa saaray oo laba tagoogood is-ma saarin.’’

Bal amarka Ilaahay shirkaa 2006iina Dr. Maxamed Cismaan Fadal ayaa gadh-wadeen ka ahaa. Labada xisbiba madax iyo minjo waa ay u dhammaayeen. Maantana Dr. Fadal ayaa Guddida Qabanqaabada Guddoomiye u ah, inta ay murmayaanna waa intii shirkaa horeba kula jirtay. Goor ma ayaa la qaldan yahay? Ma shalay mise maanta? Mise xaalba waa shalay-maantadii reer Xamarka ?

Mise, waa halkii Hadraawi e’:

Waxa la isku dilayaa,

Xil-daryeeliddiisiyo,

Dad-u-hiilin maahee,

Geenyada dekaanka ah,

Anna aan dul-buuxshoo,

Dala’sado markaygoo,

Daadka aan ku dhaafee,

Iiga soo deg weeyaan,

Waa Maansadii Dallaalimo ee 1983kii iyo jiidihii hore ee dagaalkii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran.

Dr. Fadal iyo intii goob-joogga ka ahayd idin kama foga ee u wareysi taga. Kaasi waa nabar.

Durba miyaad illowdeen

Dhacdada 2aad:

(La soco……………………………………)