Somalia oo lagu wado inay noqoto dalkii ugu Horreeyay oo Geeska Afrika ku yaalla oo laga Hirgeliyo Internet-ka Fibre Optic-ga

 

Khamiis, November 14, 2013 (SM) — Shirkad lagu magacaabo Liquid oo ka howlgasha 11-dal oo Afrikaan ah ayaa qorsheynaysa inay Somalia markii ugu horreysay ka hir-geliso internet-ka xawaariha dheer ee Fibre Optic-ga loo yaqaan. Dalka Soomaaliya ayaa noqonaya dalkii ugu horreeyay oo adeeggan laga hir-geliyo, kaddib muddo badan oo colaado ah, waxaana shirkaddan ay la gashay heshiis lagu hirgelinayo Internet-kaan shirkadda Hormuud oo ah mid bixisa adeegyada taleefoonnada. Adeeggan Internet ee loo yaaqaan Fibre Optic ayaa ah adeeg aad uga awood badan internet-ka laga isticmaalo Somalia oo ah midka lagu bixiyo Sattelite-ka, iyadoo tani ay hoos u dhigayso internet xumada ka jirta Soomaaliya.

“Haddii ay jirto meel aan lahayn Internet wanaagsan waa meelaha aan aad u daneynayno nana soo jiidanaya,” ayuu yidhi mas’uulkan shirkadda Liquid u jooga dalka Mauritania, Nic Rudnick oo u warramayay Reuters. Soomaaliya ayaa ah dalka ugu xeebta dheer Afrika ayaa waxaa lagu wadaa in Internet-kan looga soo jiido bad-weynta Hindiya oo ay yaallaan saddex ka mid ah xargaha Internet-ka laga isticmaalo, kaasoo ay dadka Soomaaliyeed ku heli doonaan qiimo aad uga jaban midka ay hadda ku bixiyaan Internet-ka oo lagu sheego inuu aad u sarreeyo.

Shirkaddan oo laga leeyahay dalka Koonfur Afrika ayaa waxay sheegtay inay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka hirgeliso adeeggan, waxaana mas’uulka u hadlay uu sheegay inay xargo u yaallaan badweynta Hindiya. “Waxay shirkaddeennu Internet-kan siisaa 16-dal oo caalamka ku yaalla oo ay ku jiraan 11-dal oo Afrkaan ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin: Zimbabwe, DR Congo iyo Rwanda,” ayuu Rudnick hadalkiisa ku daray. Ugu dambeyn, sarkaalkan ayaa wuxuu sheegay in shirkaddoodu ay ku bixin doonto 250-Milyan oo doollarka Mareykanka sidii ay Soomaaliya u gaarsiin lahayd Internet-kan. Hoshan looga hirgelinayo Soomaaliya Internet-kan casriga ah ayaa waxay qaadan doontaa muddo laba sano ah, isagoo xusay Rudnick inay dalal kale oo Afrikaan ah ka hirgelin doonaan adeeggan oo kale.

Salaanmedia/Moqdisho

Xigasho Hiiraan online