Somaliland oo Itoobiya Kaga Qayb-gashay Shir Lagu Faaqiday Horu-socodka Dimuqraadiyadda Afrika

Waraysi Gaar Ah Wasiirka A.Dibada Somaliland HCTV

Hargaysa (SM):- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka qaybgalay caalami ah oo Axadii todobaadkan ka qabsoomay magaalada Addis ababa ee caasimada Itoobiya, shirkaasi an oo dhawrkii sanadoodba mar la qabto ayaa waxaa soo qaban qaabiya ururka loo yaqaano Moh Ibraahim Foundation oo loogu magacdaray ninka u dhashay dalka Suudaan.

Waxaana shirkaasi lacag gaadhaysa 5 milyan oo doollar lagu gudoonsiiyaa madaxweynayaasha soo mara dawladaha Afrika ee xukunka sida dimuqraadiga ah ku wareejiya, iyada oo shirkaasi lagu maamuuso madaxweyneyaashaasi.

Waxaana shirkan sanadkan madaxweyneyaashii lagu soo casuumay ka mid ahaa madaxweynihii hore ee dalka Mozambique iyo kuwo kale, shirkani oo uu furay raysal wasaaraha dalka Itoobiya Hailey Maryann Dishelm, ayaa waxa ka soo qaybgalay madax badan oo aduunka kala socday, kuwaasi oo uu ka mid ahaa guddoomiyihii hore ee ururka Midawga Afrika John being.

Shirkan oo Somaliland lagu soo casuumay ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis iyo safiirka Somaliand u fadhiya magaalada Addis ababa Aadan Nuux Dhuule, wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis oo xalay telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, isaga oo jooga Hargaysa ayaa sheegay in uu hadal ka jeediyay shirkaasi, waxanu sheegay inay fursad qaaliya u ahayd Somaliand inay shirkaasi ka qaybgasho.

Waxaanu wasiirku tilmaamay in uu madaxdii kala duwanayd ee shirkaasi ka soo qaybgalay uu si balaadhan ugu sharaxay qadiyada Somaliland iyo horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ay ku talaabsatay mudada ay jirtay, sida nabadgelyada, dimuqraadiyada iyo arimaha kale ee la xidhiidha dhinaca dawladnimada.

Waxaanu tilmaamay wasiirku inuu madaxdii kala duwanayd ee shirkaasi ka soo qaybgalay faahfaahin ka siiyay qadiyada Somaliland iyo gooni isku taageeda iyo sida ay beesha caalamka ictiraaf uga sugayso. Waxaanu wasiirku sheegay inuu sidoo kale shirkaasi kaga hadlay wada hadalada u socda Som aliland iyo Soomaaliya, iyo sida Somaliland iyo Soomaaliya ay u kala yihiin laba dal oo kala gedisan oo jaar ah.
Waxa kale oo uu sheegay wasiirku inuu kulamo la yeeshay madaxdii kala duwanayd ee caalamka ka socday ee shirkaasi ka soo qaybgalay, kuwaasi oo ay ka mid ahayeen safiirka Addis ababa ee Britain, ninka madaxda ka ah hay’adda xagga amaanka ee dalka Britian Mr. Robin son, ganacsatada iyo masuuliyiin kale.

Shirkani oo ahaa mid si toos ah caalamka looga daawanayay, isla markaana uu si toos ah u baahinayay telefishanka BBC-da, ayaa wasiirka arrimaha dibada dibada ee Somaliladn waxa uu ku tilmaamay mid guul u ah in ay Somaliladn ka qayb gasho.

Shirkan ayaa lagaga hadlay arrimo badan oo la xidhiidha dhinacyada dimuqraadiyada iyo amaanka dalalka Afrika, waxaana diirada si gaar ah loogu saaray heerka ay ka taagan yihiin amaanka iyo dimuqraadiyadda, waxaana la sheegay in madaxdii shirkaasi ka soo qaybgalay ay qiimayn ku sameeyeen wadamada ugu horeeya ee ay madaxweyneyaashoodu si dimuqraadi ah xukunka u wareejiyeen.

waxaanay shirka sanadkan la sheegay inay ugu horeeyaan xagga amaanka iyo dimuqraadiyadda labada wadan Mureshas iyo Seychelles halka ay dawlada Soomaaliyana noqotay ta ugu hoosaysa dawladaha Afrika ee dhinacyada amaanka, xuquuqda aadanaha iyo labaatan sano ooa y dawlad la’aan ahayd oo ay colaado iyo dagaalo noocyo badan ka taagnaayeen isla markaana ay aafeeyeen.

Sidoo kale waxyaabaha shirkan sida aad ka ah diirada loogu saaray ayaa waxa ka mid ahayd nabadgelyadda Afrika halka ay marayso iyo qaraxyadii bishii hore ka dhacay xaruntii ganacsiga Westgate ee magaalada Nayroobi iyo sidoo kale qaraxyada kala duwan ee ka dhaca dalka Soomaaliya.

Salaanmedia/Hargaysa