Somaliland Oo Soo Bandhigtay Nidaam Cusub Oo Loo Dejinayo Diiwaan-gelinta Shirkaddaha Ganacsiga Iyo Maal-gashadeyaasha

Somaliland Oo Soo Bandhigtay Nidaam Cusub Oo Loo Dejinayo Diiwaan-gelinta Shirkaddaha Ganacsiga Iyo Maal-gashadeyaasha

dadNov 25,2013 Hargaysa(Cadceed)- Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland oo kaashanaysa mashruuca Baanka adduunka ee Somaliland ayaa soo bandhigay sharci cusub oo loo dejinayo diwaan-gelinta Shirkaddaha ganacsiga iyo maal-gashadeyaasha, kaas oo la jaan-qaadaya heerka Caalamiga ah ee sharciyada Ganacsiga, isla markaana lagu abuurayo xafiis hoos yimaada wasaaradda Ganacsiga oo laga maamuli doono dhammaan baahiyaha diwaan-gelinta shirkadaha.

Sharcigan cusub oo la doonayo in lagu bedelo nidaamkii hore ee diiwaan-gelinta Ganacsiga, ayaa ujeedada laga leeyahayna ay tahay in lagaga maarmo xafiisyadii kala duwanaa ee Diwaan-gelinta ganacsiga loo mari jiray. Waxaana diyaarintiisa iska kaashaday Wasaaraddaha Ganacsiga, Maaliyadda, qorsheynta , Xeer ilaalinta iyo Bangiga adduunka waxaana loo qabtay kulan lagu lafa gurayo ka hor intaan la dhaqan gelin.

Kulankaas oo ka dhacay Hudheelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxa furay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar, waxaana ka qayb galay Wasiirka Qorshaynta Qaran Dr Sacad Cali Shire, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan, Masuuliyiin ka socday rugta ganacsiga iyo dad kale oo ka qayb-qaadanayey doodan sharciga la doonayo in lagu dhaqo shirkadaha.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ugu horrayn furitaankii shir-hawleedkan hadlay, ayaa ka warramay ujeedada laga leeyahay sharcigan cusub iyo muhiimadda uu u leeyahay horumarinta shuruucda Ganacsiga dalka. “Wasaaradda Ganacsiga, Maaliyadda, Xeeri-ilaaliyaha guud iyo meelo kaleba waxa la isla qaatay in arrintaas (sharcigaa/xeerkaa) laga doodo, markaa waxa la soo diyaariyey xeer soo jeedin ah, kaas oo Hay’adihii qaranka intoodii badnayd ay iska arkeen oo Baayac mushtarkii lagala kulmay, markaa munaasibaddan oo ah mid aad u ballaadhan oo ay dad badani joogaan oo ay shirkaddii mashruuca qaadatay nala joogto oo aanu ugu talo galnay in lagu soo gunaanado wixii toosin ah ee uu u baahan yahay xeerkaasi iyo wixii aynu ku biirin karno”

Wasiirka oo sii hadlay waxa uu yidhi “Dooddan aynu u fadhinaa waxay ku saabsan tahay dood sharciyeed gogol dhig u ah abuuritaanka xarun ama xafiis Somaliland yeelato oo ay ku soo wada ururiyaan baayacmushtarka iyo shirkadaha dalku, xafiiskana waxa loo yaqaanaa (One Stop Shop), arrintana waxay soo ururinaysaa Baayacmushtarkii (Diwaangalintooda) mudada dheer ku qaadan jirtay, arrintana waxay ka dambaysay talo qaranku ka yeeshay, haddii ay tahay Baarlamaanka, Baayacmushtarka iyo qolada qaynuunka iyo sharciga iyo hay’adaha caalamiga ah ee dhanka dhaqaalaha inagala shaqeeya oo Baanka adduunku ka mid yahay” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Danta ugu dambaysaana waa in aanay dhibaato kala kulmin diwaangalintooda, had iyo jeerna waxa xafiiska noogu yimaada ganacsato ka cabanaya diwaangalinta.”

Wasiirka Wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxa lagu kala horumaray waa abaabul, waddan walba waxa jooga dad wada sagaal bilood ku dhashay oo leh laba gacmood iyo maskax, waxaana ay ku horumareen waa shirkaddo, markaa waa in cidda doonaysa inay shirkado samaysato ay si fudud (isku diwaangalin Kartaa), waa inaynu samaynaa sharci casri ah oo fudud, waa inaynu ku barbaarino dhalinyaradeena wada lahaanshaha shirkadaha, waxaan rejaynaynaa inaynu iska wada kaashanno dal ahaan iyo deeq bixiye ahaaba arrinkan.”

Kulankaasi, waxa isaguna ka hadlay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo sheegay in xafiiskiisu u abuuran yahay inuu hay’adaha dawladda ku ilaaliyo sharciga io xeerarka dalka, isaga oo ammaanay kulankan dooda ah ee Baanka adduunku ka taageeray Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgaashiga, oo markii ugu horeysay samaysay xeer lagu maamulayo shirkadaha Maalgashanaya dalka.

Dhinaca kale, Xidhiidhiyaha Somaliland iyo Baanka adduunka oo isaguna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkan lagaga doodayo sidii loo abuuri lahaa Sharci qeexaya hanaanka mucayim ah oo loo Diwaan-gelinayo Shirkadaha Ganacsiga Somaliland.
“kulanka waxa iska kaashanaya Wasaaradda Ganacsiga iyo Baanka adduunka oo ka caawinaya sidii loo abuuri lahaa sharci dhigaya hanaan mucayim ah loo diwaan-gelinayo Ganacsiga Somaliland, waxaana lagu saleeyay xog uruurin la sameeyay muddo lix bilood ah”ayuu yidhi Najiib Xaashi oo ah Xidhiidhiyaha Mashaariicda Baanka aduunka iyo Somaliland.

“Xeerkan waxa wada sameeyay Wasaaradaha Maaliyadda, Ganacsiga, Qorsheynta, Xeer Ilaalinta guud iyo Baanka adduunka oo iska shaashaday diyaarintiisa iyo sidii loogu bandhigi lahaa bulshada”ayuu hadalkiisa raaciyay.

Najiib Xaashi ayaa xusay in dadka lagu soo casuumay shir hawleedkani isugu jiraan sharci dejinta dawladda, Garsooreyaal, xubno metalaya Ururadda Bulshada iyo Ganacsato “sharcigan waxa looga guurayaa kii hore ee Somaliland oo ka dambeeya marxalada caalamku marayo, laakiinse Shirkadihii hore sharcigaa hore loogu diwaan-geliyay maaha inay dib isu diwaan geliyaane kan ayuunbaa la waafajinayaa ruqsadaha ay haystaan”.

Sidoo kale Dobromir Christow oo isaguna ku hadlayay afka Mashruuca Baanka Adduunka ayaa kulankaasi ka sheegay inay Somaliland ka gacan siinayaan arrimaha baahiya daruuriga ah ee farsamo iyo kuwa maal-gelinta aasaasiga ah, khaasatan Kobcinta Ganacsiga iyo arrimaha la halmaala.

Shirkan ayaa intii uu socday waxa lagu soo bandhigay qabyo qoraalka xeerka diwaan-gelinta Ganacsiga Somaliland, kaasoo inta badan ka qayb-qaateyaashu amaaneen habka loo diyaariyay, balse wax ka bedel iyo kaabisba ay ku sameyn karaan inta aan loo gudbin Goleyaasha sharci dejinta.

Salaanmedia/Hargaysa  Somaliland