Somaliland: Wasiir Ku xigeenka Caafimaadka Oo furtay shir Lagu Soo bandhigayay Waxqabadka UNFPA

November 11th, 2013 

Wasiir Ku xigeenka caafimaadka 2

HARGEYSA (Sm)-Wasiir ku xigeenka caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo uu weheliyo agaasimaha guud ee waasaradda qorshaynta Cabdirashiid Axmed Guuleed ayaa maanta ka qeyb galay shir ay ku soo bandhigayeen waxqabdaka hayadaha kala duwan ee ay la shaqeeya hayada UNFPA.

Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka , agaasimaha guud ee wasaarada qorshaynta , agaasimaha komishanka AIDS-ka , madaxa hay’ada UNFPA ee Somaliland ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Wasiir ku xigeenka caafimaadka marwo nimco xuseen qawdhan oo sheegtay in hayada UNFPA in ay tahay hayadaha la shaqeeya wasaarada caafimaadka gaar ahaan waaxda caafimaadka taranka iyo dhalaanka oo ah waaxda ugu balaadhan wasaarada, waxaanay intaa ku dartay in wasaaradu ay ahmiyad weyn u hayso waaaxadaasi islamrkaa ay dib u eegis ku samaysay siyaasada caafimaadka oo la sameeyay 1999-kii taasoo aan dib loo eegin ilaa xiligii la sameeyay maadaama ay baahiyuhu ay kala leeyihiim mudnaan.

Wasiir ku xigeenku waxay sheegtay in hayada UNFPA in ay kala shaqayso waaxdaasi muhiimka ah iyo sidoo kale taageero xoogan oo ay ka gaysto dugsiyada barshada caafimaadka islmarkaa kulankani uuyahay mid lagu eegayo waxqabayada sanadkan aynu ku jirno.

Agaasimaha guud ee wasaarada qorshaynta Cabdirashiid Axmed Guulleed oo sheegay in kulanka lagu eegayo wixii la qabtay sanadkan waxaanu intaa ku daray in hayada unfpa in ay wasaaradooda kala shaqayso dhinaca xog ururinta oo ay ka taageerto wasaarada qorashaynta dhinayada tababarada waxaanu intaa raaciyay in sabnadkan wixii ugu weynaa ee ay hayada unfpa ay la qabatay wasaarada qorshayntu in uu ahaa sahamintii tirakoobkii lagu sameeyay bulshada Somaliland kaasoo diyaarintiisu ay wakhti badan qaadatay taasoo xog ururrintii hada ay kusoo xerootay wasaarada.

Gabagabdii madaxa hayada UNFPA ee Somaliland iyo agaasimaha komishanka aidska ayaa hadalo koban oo ku saabasan waxqabadka hayada halkaasi kasoo jeediyay.

SM/Hargeysa