Tacsi iyo Taariikh sixid: Maayarkii Hargeysa ee 1967 Ilaa 1968-kii

W/Q: Ibraahim Cali-Cuucuule

Tacsi

Waxa  ku geeriyooday magaalada Hargaysa 8-11-13 Allah ha u naxariistee marxuun Axmed Ibraahin Guunje oo magaalada Hargaysa ka ahaan jiray mayor sanadkii 1968kii isaga oo ahaa maayirkii Afaraad ee la soo doorto,waxaanu ahaa maayirkii ugu horeeyay ee si xor ah la soo doortay Ismaaciil Cubuli oo sanadkii 1960kii ilaa  1962kii xilka hayay.

Waxa ku xigay ee la doortay Maxamuud Xaaji Axmed oo isna ahaa 1962kii ilaa 1966kii waxaana isaga la doortay laba jeer oo isku xigta.

Waxa ku sii xigay Axmed Xaashi Dhuule 1966kii ilaa 1967kii, waxa ku sii xigay Axmed Ibraahin Guunje oo ahaa 1967kii ila 1968kii waxa ku sii xigay Axmed Jimcaale oo ahaa 1968kii ilaa 1969kii ,intaa wixii ka dambeeyay waxa dhacay in qilaabkii maxmed Siyaad Barre iyadoo hargayse soo martay marxalado kala duwan ilaa iyo imika

Hadaba u jeedada qoraalkaygu waxa weeye in aanay sax ku ahayn in Axmed Ibraahin Guunje uu ahaa maayirkii ugu horeeyay ee la soo doorto sida ay qoreen Joornalada iyo Web site-yada qaarkood . Bal se uu ahaa maayirkii Afaraad ee la sooo doortay . waxaana xusid mudan oo intan oo dhan ka horeeyay xiligii uu doonayay mustacmarku in uu sii diyaariyo masuuliyeentii iyo hawlwadeenadii uu kaga tagi lahaa dalkan isaga oo Hargaysa u sameeyaya Golayaashii Deegaanka Gole ay leeyihiin oo la odhan jiray(Majlis Al –tashriici) oo mac-naheedu noqoyo golihii sharciga ahaa kaas oo 1956kii ilaa 1958kii iska dhex doortay maayirkii koowaad oo la odhan jiaray Cumar Ducaale(Cumar Faras) waxaana ku xigay 1958kii ila 1960kii Aadan Cumar Furre Samatar (Aadan Xaniid)  Allah ha u naxariistee dhamaantood way geeryoodeen iyada oo ugu dambeeyay Axmed Ibraahin Guunje oo geeryooday 8-11-13.

Allaa Mahad Leh

Qalinkii: Ibraahim Cali Axmed

(Ibraahim Cali Cuucuule)

Hargeysa, Somaliland

+252 2634424291