TALO KU SOCOTA MUSHARAXA MADAXWEYNAHA XISBIGA UCID MUDANE JAMAAL ALI HUSSEIN By

u_106646d_2013-7-31-16-58-39f_Jamaal

Jamaal marka ugu horreysa iga guddon salaanta islaamka AWW. Salaan dabadeed, waxaan manta halkan kuu soo dhigayaa talo, taladaasi oo ah mid aanan wax qorshe ah anan ka lahayn, waxna kaaga doonayn, waxna kugu yeelayn. Sida aan la socono, waxaad ku jirtaa marxalad aad iyo aad u adag oo isku-qasan, oo ay manta ku qotonto siyaasadda Somaliland, waxaana filayaa sida aan arkayey labadan sanno ee aad siyaasadda ku jirtay inaanad helin rag iyo dumar talo kula daba jooga, oo hadba wixii jooga iyo waxa soo socdaba kula odorasa. Jamaal marka aad siyaasadda soo gashay, dad badan ayaa farxad gashay iyaga oo kuu arkaya nin dhallinyaro ah oo qurbajoog ah oo aqoon sare leh, waxa farxadda dabcan la socday inaad nidaam ama waddo cusub oo ka duwan kuwii hore mucaaridku isticmaali jireen aad marto oo jeexdo, mucaarid cusub oo dhala dawlad nidaam iyo horumar horseeda. Waxaad moodaa wax lala yaabana ahayn inay mucaaridii hore iyo systemka adag ee dalka ka jiraa ku sii liqayo maalinba maalinta ka dambaysa, waxaan warqaddan kuu soo qoray inaan isku dayo bal inaan inta goori goor tahay kugu baraarujino inaanad ka baydhin gabi ahaanba habkii iyo hannankii aad higsanaysay ama sida magaca xisbigaaga sheegayo “NEW UCID” ka turjumaya not “OLD UCID”

Marka ugu horreysa si aan talada ugu soo dhawaano aan ku bilowno guddoomiye Faysal, iyo sida aad ula tacaalayso: Faysal waa guddoomiyaha xisbiga, waa nin tacab badan iyo dhabar adayg badan xisbiga ka galay, oo wakhtigiisii oo dhan galiyey, maha nin si yar aad uga takhalusi karto, ama daniba kuuguma jirto inaad Faysal isku dhacdaan, balse side xeegona xeego u noqotaa ilkana ku nabad galaan? Runtii jawaabtaasi ma sahlana, (one million dollar question) adna waad ogtahay ummadda Somalilandna wa ogtahay, Faysal saddex doorasho ayuu dhacay, oo halka ugu hooseeysa ka galay, waana ta aad manta ku tahay musharaxa, haddaba Jamaal ahaan waxaad moodaa dhawaaq kasta oo kaa soo yeedha waxaa ka qaylo iyo sawaxan batay kan Faysal iyo golaha la baxay wada-tashiga ee Faysal shadowga ku galiyey xisbigaagii, dadku waxaa dhegahooda ka guuxaya dhawaaqa Faysal halka ay kaaga maqli lahaayeen oo dhegaha u raaricin lahaayeen, waxaad moodaa in steering kii xisbiga Faysal haysto, taasina waa hubaal in guul darro afraad soo wado.

Haddaba si arrinta looga hortago, waxay ila tahay in shuruudahan aad fulisid

1- In markasta oo Faysal shir jaraa’id qabanayo aad la joogto oo hadalka kala qaybsataan wixii aad odhanayso iyo wixii faysal odhanyo kala qorshaysaan.
2- Inaad xisbiga u samayso protocol iyo kala dambayn oo afhayeen lahaataan oo aad shadow capinet samayso, oo arrimaha dhaqaalaha qof qudhaato ka hadlo, arrimaha dibadda mid kale and so on…..
3- Inaad xoog saarto in xisbigu qorto dhallinyarada Jaamacaddaha Somaliland iyo kuwii ka baxay iyo kuwa camalka la’, una qabato kulamo iyo dood joogto ah, soona bandhigto qorshaha dawladda aad dhisi doonto ee dhallinyarada Somaliland, lana diiwan galiyo xubno xisbiga u noqda activist.

4- Inaad ka fogaato qolyaha aad isku reerka tihiin ee Saaxil inay xisbiga afduubtaan ama u arkaan waxay iyagu leeyihiin, oo baaqyo ka soo saaraan meel kasta ay joogan, xisbigaaga cid gaara gacanta how galin, intay kuu keenayaan vote iyo intay kaa horjoogsanayan waa isku mid markay ugu liidato.
5- Qorshahaagu yuu noqon doorasha soo socota oo qudha, ee illaa tan dambe habkeeda ku shaqee, nin dhallinyaro ah ayaad tahay ee xisbiga ugu talo gal inuu noqdo mid mustaqbal leh, oo waxooga yey noqon degdeg iyo manta oo qudha.

6- Xisbiga u same illaa 500-1000 dhallinyaro u badan oo qurbaha jooga oo kiiba bixiyo $10 ( toban dollar) si aad u heshaan wax aad ku dhaqdhaqaadaan oo idinka daboola baahida maalin laha ah iyo tan wakhtiyada doorashooyinka, isla markaana kaga qayb gashaan horumarka dalka iyo charity work aad idinku gaar u bilowdaan, ama kooxo sports ah, ama samaysaan koox maaweelo ama madadaalo xisbigu leeyahay oo wacyi gelin iyo bararujin dalka ka bilaaba, iskuna daya inaad soo saartaan bishiiba hal magazine oo xisbigu leeyahay.

7- Inaad safar ugu baxdo sannadkiiba laba jeer, lixda gobol dalku ka kooban yahay, gaar ahaan magaalo madaxyada iyo meelaha kale ee dadku ku badan yahay, una kuur gashid nolosha dalka iyo baahida dhabta ah. Dadkana bartid musharaxa madaxweynaha Jamaal iyo New Ucid

8- Inaad qorsho cad la timaado oo dhallinyarada tahriibta wax lagaga qabanayo, hadday tahay, shaqo samayn, ku baraarujin dhallinta khatarta halkaa ka jirta, oo hadday suura-gal tahay aad socdaal ku tagto Libya iyo Lampodoza si aad indhahaaga ugu soo aragto dhibta meesha taala, kana samaysaan documentary.

9- Inaad hareerahaaga ka buuxiso, niman dhallinyaro iyo khibrad layaal ba leh oo aqoon, daacadnimo, hawlkarnimo, aftahanimo isku darsaday, oo hadla xaaladda markaa taagan ka hadli kara, xisbiga dadka ka iib gayn kara, kuna lahaato magaalo madaxyada gobollada iyo magaaloyinka waaweyn ee Yorub iyo America, wakiilo xisbiga dhinac walba wax ugu soo kordhin kara.

Hadba wixii ka soo baxa qodobada iyo kaleba waan kuu soo qori wakhtigeeda

Qalinkii: Geelle Yusuf
Hargeysa Somaliland