Tiradii dadkii ku dhintay weerarkii Shabaab Beladweyne ay ka geysteen oo sii kordhay

image

 

Waxaa aad usii kordhay tirada dadkii ku dhintay weerarkii shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.

Sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta maamulka Magaalada Beladweyne khasaaraha ka dhashay shalay ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 20-ruux oo isugu jira shacab iyo askar intaba.

Guddoomiyaha Magaalada Beladweyne Cabdi Bishaar Aadan oo la hadlay Radio Muqdisho, ayaa sheegay in dadka geeriyooday ay gaarayaan ilaa 20-ruux oo ay kamid yihiin ragii weerarka ku qaaday Saldhiga Magaalada Beladweyne.

Wuxuu xaqiijiyay Guddoomiyaha in sidoo kale dad gaaraya ilaa 12-ruux ay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo iyagana isugu jiray shacab iyo ciidan intaba.

Waxaa sidoo kale bur-bur xoogan uu soo gaaray aargada ay caanka ku tahay Magaalada Beladweyne, maadaama goobta weerarka lagu qaaday ee Saldhiga ay ku agtaalo aargada Magaalada Beladweyne.

Maanta ayaa laguwadaa Beladweyne inay gaadhaan wafdi Wasiiro ah oo uu horkacayo Wasiirka Kheyraadka dalka Soomaaliya oo soo qiimeynaya inta uu la eegyahay khasaaraha ka dhashay weerarka Al-Shabaab ay kageysteen Magaalaadaasi.

Waa weerarkii labaad oo muddo labo bil gudahooda Al-Shabaab ay ku qaadaan Magaalada Beladweyne halkaasi oo ay ku dileen askar iyo shacab intaba.

Salaanmedia/Mogdisho