Ururka ISLAAX Oo Baaq Ka Soo Saaray Khilaafka Madaxda Dawlada Soomaaliya

(SM:Hargaysa) Ururka diimeedka Islaax ee Soomaaliya ayaa sheegay inay aad uga murugsan yihiin musiibadii ku dhufatay qaar ka mid ah deegaannada Puntland, taas oo sababtay dhimasho isugu jirta dad iyo xoolo fara badan.

“Ururka Islaax wuxuu ugu baaqayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed in walaalahooda dhibaataysan ay la gaadhaan kaalmo deg-deg ah. Sidoo kale, wuxuu ugu baaqayaa beesha caalamku inay gargaar u fidiyaan dadkaas ay duufaantu waxyeelleysay,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ururka

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin khilaafka soo dhexgalay madaxweyanah iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyagoo ku baaqay in khilaafkaas si dhaqso ah oo hoose lagu xalliyo.

“Ummadda Soomaaliyeed waxay maraysaa marxalad xasaasi ah, oo baahi wayn loo qabo in dadaalka la isugu geeyo taabbo-gelinta Qarannimada Soomaaliya. Xilliganoo ay Qaranka Soomaaliyeed horyaallaan hawlo badan, waa wax laga naxo in khilaaf soo shaac baxo,” ayaa lagu yidhi warka ururku uu soo saaray.

“Haddaba, ururka Islaax wuxuu ku baaqayaa in khilaafka lagu dhameeyo wadahadal iyo walaaltinimo, danta guud ee ummaddana laga hormariyo danaha gaarka ah. waa in laga digtoonaado in khilaafku sii jiitamo ama ragaadiyo dib-u-soo-celinta hanaankii dawladnimo. Sidaa darteed, waa in deg-deg loo soo af-jaraa khilaafka. Waa in maskaxda, maalka iyo muruqaba la isugu geeyaa taabbo-gelinta Qarannimada Soomaaliya iyo in dib loo dhiso Soomaaliya sharaf iyo karaamo iyo kaalin wax ku-ool ah ku leh caalamka oo dhan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Salaanmedia/Hargaysa