Waa Is Waraysigii Ina C/qaadir iyo Cadaani Dhex Mari Jiray!,

Waa Is Waraysigii Ina C/qaadir iyo Cadaani Dhex Mari Jiray!,


Ina c/qaadir;  Sacaadatul wasiir waan ku salaamay,

Cadaani; Waan kaa qaaday Ex gudoomiye ku xigeen;

Ina c/qaadir;   Wasiir ma xafiis kii ayaa kaa xidhmay? mise qayb kale oo wasaarada maaliyada ah ayaa laguu bedelay? mise xafiis kaagii ayaa suuqa shiraacle ee hargaysa laga dhex furay? mise Wasiir Samaale ayaa intuu xajka ku maqnaa kaa sii xidhay xafiiska?

Cadaani; Oo maxaad aragtay?

Ina c/qaadir;  Waxaan arkay adiga oo kiish sita oo suuqa hargeysa dhex deeda dadka lacag ku dhex waydiinaya!

Cadaani;  Maya dadkii ayaa cashuurtii ka dhago adaygay oo bixin waayay markaas waa inaanu goobta shaqada ugu tagno sow noqon mayso?

Ina c/qaadir;  Oo ma cid adiga kaa furata oo kaa fudud ayaa la waayay maxaa adiga ku kalifay?

Cadaani;   Maya kuwan cashuurta loo diri jiray ee soo ururin jiray iyo kuwii bixin jiray ayaa is fahmay oo isla jaan qaaday oo heshiis hoosaad galay markaas waxba way ku soo dhici wayday qasnadii dowlada,

Ina c/qaadir;  Oo miyaanu dalku odhad lahayn?

Cadaani;  Maya waa leeyahay ee mid dheer ayaa jooga oo isagu hadba cidii siyaasadi gasho ayuun buu raad sadaa oo nin si caadiya wax u baadha maaha,

Ina c/qaadir;  Waar dalku madax iyo mijo ayuu kala leeyahaye iskadhig kiishka yaan naanays laguugu bixine oo beri markaad xilka ka tagto yaan lagu odhan waa kii hargaysa kiishka la wereegi jiray!

Cadaani;  Somalidu ninka dalka iyo dadka u shageeyaa kama amaan helo! oo ma nin dalkiisa u shaqaynaya ayaa naanays loo bixi nayaa?

Ina c/qaadir;  Waar maba xumee Siilanyo iyo xirsi iyaba wadada ceerigaabo ayay dadka ku baadhaane adna kiish kaaga hargaysa iska sido oo la dhex wareeg deg degba wuu kuugu buux samiye!,

Cadaani; Adeer ninba xirfadii haku xoogsado waxaa liita mid waayay hab uu ku xoogsado oo meelahaas ka caytama,

Ina c/qaadir; Kavwaran nin kii ina shabeel isaga oo meelahaas kaleh baan arkaayay looma dhama gudiga qaban qaabadu shir gudoonka ay door teen ma kodadii cilmi kirish ayuu marayaa?

Cadaani; vWaar kaasi waa naf lacaarid ina kaahin iyo ina biixi oo lugtii ugu danbeysay ku sii rafanaya ayuu weli moodayaa inay nool yihiin waa nin rag bakhtiyay ka baqaaya! bartii lagaa jiiday ayuu sii socdaa,

Ina c/qaadir;  Oo kan xiiqsan ee bukhaari ee tobanka xisbi isaga talaabay goorma ayaad ooda ka soo qaadeen?

Cadaani; Waa nin jibaysan oo dardar miidhan ah waxaanu rabnaa inaanu qaar badan jiidh siino xaraarad kulmiye ah ayaa saaqsane,

Ina c/qaadir; Waar waxaad ku xumaateen hadhaagii UDUB iyo intii siyaasada ku soo saaqiday ayaad xisbigii dhex keenteen waxan ka baqayaa in xisbigu waasho oo is jebiyo,

Cadaani; Oo adiga maxaa kaa galay sowdigii iskaga tegay xisbiga?

Ina c/qaadir; Sow tacab badan igama gelin oo dhabarka iyo adhaxdaba ugamaan jabin oo korkaas kama ilaashanayo,

Cadaani; Haka biqin new kulmiye ayaanu samay naynaa oo wixii hore oodhan meesha waanu ka saaraynaa xisbiguna waxa uu u baahan yahay dhiig cusub oo lagu shubo si uu buug cagaaran oo cusub oo dadka laga iibiyo loogu sameeyo iyo wejiyo cusub,

Ina c/qaadir; Maba xuma in dhiig cusub la helo ee bal ka ilaaliya inta xisbiyada isaga talowda ee lixdii biloodba xisbi ku nasta bal dad aqoon yahana oo cusub raadiya oo idinka gadma sida ninka siyaasada Somaliland hada ku soo biiray ee Axmed samatar oo kale laakiin hadaad marba bukhaari iyo wax lamida raad sataan ma cid baad ka gad maysaan?

Cadaani; Kolay ma rajo xumin hadaan dagaalku dhex dayada ka qarxin cid kalena cabsi kama qabno!,

Ina c/qaadir; Ciro iyo faysal ka waran?

Cadaani; Markay naf kale waayeen ayay madal afka uga galeen! iyaga oo UCID isla ah ayay waxba tari waa yeene ma iyaga oo laba garab u kala jabay ayay wax ta rayaan may xisbinimo wax kula soo baxaan rag aan waxba hayn oo madal sheegtay ayay nafla caaridkii u galen maalin dhow markay dabinka noogalaan oo shirweyne ku sheega dhaqaajiyaan ayaanu jeelasha ka buuxi naynaa!

Ina c/qaadir; Waar mujaahidiin taas ha ku kad soomina yaanay ciidu idinla dagaalamine!,

Cadaani; Waad arki waxa dhaca! ee nabad gelyo,

Ina c/qaadir; Salaama ka dheh.

Faysal Xaaji Cali Ahmed