Wafdi ay hogaamineyso Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Foosiya Yuusuf Xaji Aadan oo u ambabaxday dalka Belgium-ka.

Wafdi ay hogaamineyso Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Belgium-ka

225-150x150

Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta u ambabaxday dalka Belgium-ka halkaasi oo ay kaga qeybgalayso shir muhiim ah.

Safarkeeda waxaa ku wehliyey afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya ahna lataliyaha Madaxweynaha Eng Yariisoow iyo xoghayaha joogtada ee Wasaarada dibada dalka Soomaaliya.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo garoonka saxaafada kula hadashay waxa ay sheegtay in shirka ay ka qeybgalayaan uu yahay shirka horumarinta dalalka Midowga Yurub, waxaana looga hadlayaa sidii gacan loosiin lahaa dalalka soo koraya oo Soomaaliya qeyb ay ka tahay.

Soomaaliya ayaa caalamka waxa ay ka heshaa taageero badan iyo balanqaadyo lacageed, laakiin waxaa aad uyar dhaqaalaha sida tooska ah gacanta Dowladda Soomaaliya ugu soo dhaca, maadaama badi balanqaadyada Soomaaliya ay yihiin kuwa afka ah.

Salaanmedia/Mogdisho